Saxilnews.com
XEER ILAALIYAHA GUUD MA AQOON DARRAA HAYSA MISE WAA U KAS XEER KU TUMAASHADU?
December 2, 2015 - Written by admin

Waxa uu la kowsaday dhalashadii Xukuumadda uu hoggaamiyo Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud(Axmed Siilaanyo) oo xilka qaran u magacaabay markii uu tallaada dalka la wareegay, kuma imaan aqoon ama kartii shaqo oo uu hore u lahaa, hase-yeeshee Waxa uu mansabkaa qaranku helay hab qabiil ama saami Beeleed.Waxa uu la kowsaday dhalashadii Xukuumadda uu hoggaamiyo Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud(Axmed Siilaanyo) oo xilka qaran u magacaabay markii uu tallaada dalka la wareegay, kuma imaan aqoon ama kartii shaqo oo uu hore u lahaa, hase-yeeshee Waxa uu mansabkaa qaranku helay hab qabiil ama saami Beeleed. Isla markaana waxa uu shaqada Qaran ee xilkeeda uu dusha ku sito ka dhigtay mid uu sida uu doono ugu xad-gudbay muwaadiinta reer Somaliland.

Sida ka muuqata magaca ama Mansabka Qaran ee uu hayo, waa Xeer Ilaaliye, hase-yeeshee xilka uu ku magacaaban yahay maha Nin sidiisa ugu shaqeeya, waxa’se uu taa bedel keeda ka dhigtay inuu sida uu doono ugu tunto shuruucda iyo qayniinada dalka uu yaala, waxana uu intii hore helay koox aan waxba dhaamin kuwaaso sida ay doonaan iyana u dhigi jirtay xeerka kasoo baxay Baarlamaanada dalka iyo Hay’adaha ku shaqada leh xeer sameynta.

Xeer Ilaaliyaha guud ee Somaliland waxa kamid yahay shaqsiyaad kooban oo tan iyo intii Xukuumadda Siilaanyo jirtay caadeystay xadhiga iyo xaqdarada lagu hayo Saxaafadda Somaliland. Xeer ma ilaaliye Jaamac Axmed Aadan waxa imika kasoo hadhay koox aynu kasoo waranay dhibta iyo awood sheegashada ay ku hayso xoriyatul qawlka kuwaasoo aan tudhaale lahayn. Waxanu kamid ahaa gudidi Cadaaladda ee hore u jiray, isagoo wada-shaqeyn dhinac ah la lahaa Wasiirkii hore ee Cadaaladda, nasiib wanaag kooxdii ay isku bahaysteen tacaadiga iyo dulmiga waxa ay noqdeen kuwo Ilaahay meesha dhaafiyo iyo taa bedelkeedana Rabbi Subxaana wa tacaala keenay Rag dhalinyaro ah oo aqoon leh, kuna dhaqmaaya shuruucda iyo qaynuunada dalka u yaala, sida Gudoomiayaha Maxkaamda sare Pro Aadan X Cali Axmed iyo wasiirka cadaaladda ee hada. waxa’se nasiib darro ah inuu weli meesha sii jooga shaqsi Cadaalada caqabad ku ah.

Haddaba, dhowaan waxa uu Gudoomiyaha Maxkamada sare illaahay khayr ha siiyee uu dhaqan geliyey arrin u badan laga dhursugaayey in ay mar uun hir-gasho taasoo ah Xeer Saxaafadda ee aanay hore u dhaqmi jirin Maxkamaduhu, hase-yeeshee Suxufiyiinta iyadu ku xukumi jirtay xeerar laga tagay oo ah kuwo dadka danbiyada Dilalka ah oo kale galaa, kaasoo lagu magacaabi jiray Xeer Ciqaabeed. Gudoomiyaha Maxkamada Sare Pro Aadan waxa amray in aan la iska soo xidhi karin qof Suxufiya, hase-yeeshee ciddii ka dacwooneysaa ay Maxkamada dacwad kaga soo oogan, sidaasi daradeedna uu qofka Suxufiga ahii intaa danbigiisa la baadhayo oo ama danbi lagu helaayo ama lagu waayayo uu debeda joogay sida uu dhigaayo Xeerka Saxaafadda ee kasoo baxay golayaasha sharci dejinta dalku. Sidoo kale xeerkaasi ma fasaaxayo in qofka Suxufiga ahii sida uu doono dadka ama siyaasiyiinta ugu xad-gudbo waxa weriyaha lagu xidhi karaa waaran Maxkamadii soo xalaaleysay.

Haddaba, shalay doraad ayey ahayd markii Xeer ilaaliyaha guud intaa u yeedhay Masuuliyiinta Wargeyska Hubsad uu ku yidhi Xafiiska igu kaalay uu xabsiga dhigay labada weriye ee kala ah Siciid Khadar Aw Cabdilahi oo ahaa Tafaftire iyo Milkiilihii Wargeyska Hubsad Cabdirashiid Nuur Wacays . sidoo kale xeer iLaaliye Xasan Axmed Aadan ma uu haysan wax ogolaansho xadhig oo uu maxkamad ka haystay, hase-yeeshee waxa uu xabsiga ku dhigay amar jeebkiisa uu kala soo baxay xeer ilaaliyahaasi. Markii uu tallaabadan qaadayey xeer ilaaliyuhuu waxa uu ka faa’iideystay fursad shaqo uu Pro Aadan X Cali Gudoomiyaha Maxkamada sare dalka uga dhoofay maalin uun ka hor xadhiga weriyaasha.

Si kastaba ha ahaa-tee waxa Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo looga fadhiyaa inuu tallaabo deg-deg ah ka qaado tallaabsada uu xeer ilaaliyahaasi, hadii uu ka qaadi waayana waxa loo arkaa arrin ay ku wada socdaan, sidoo kale, waxa Madaxweynaha ku waajib ah inuu si deg-deg ah shaqada uga caydhiyo xeer ilaaliyaha si loo helo guddi Cadaaladeed oo nadiifka ah dulmiga dadweynaha. Waxa kaloo, iyana is-weydiin leh xeer ilaaliyaha Qaranka ninka ku magacaabani ma jaahil ayuu ka yahay xeerarka iyo qaynuunada dalka u yaala mise wuu u kasay.

W/Q

Cabdicasiis Bashiir Nuur

C.casiis98@hotmail.com

Hargeysa, Somaliland

COMMENTS
Latest News