Saxilnews.com
Xeer Ilaaliyaha Guud Ee Dalka Mareykanka Oo Is Casilay
March 3, 2017 - Written by suxufi

USA (SaxilNews):- Xeer ilaaliyaha Guud ee dalka Maraykanka Jeff Sessions ayaa cadaadiskii saarnaa kagajawaabay in uu faraha kala baxo dhammaan baaritaannada ku saabsan in Ruushku uu farogelin ku sameeyay doorashadii Maraykanka, arrintaas oo ay wadaan waaxda dambi baarista ee dalka Maraykanka ee FBI.

Image may contain: 1 person

Laakiin Xeer ilaaliyaha Guud wuxuu sheegay in uusan been sheegin bishii January markii uu sheegay in uusan “wax calaaqaad ah la lahayn Ruushka”.

 

Xisbiga Dimuqraadiga ayaase ka dalbanaya in uu is casilo ka dib markii ay soo baxday in uu la kulmay safiirka Ruushka intii lagu gudo jiray ol’olihii doorashada Maraykanka ee sanadkii hore.

Eedaha sheegaya in Ruushku uu farogeliyay Maraykanka ayaa ku soo laalaabatay madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump.

COMMENTS
Latest News