Saxilnews.com
XASUUSTA SHUHAADADII SNM EE 31 MAY: KORNAYLKII HOGAAMINAYAY GULUFYADII COLAADEED EE FAQASHTA KORNAYL C/CASIIS CALI BARE OO KA WARBIXIYAY DAGAALO FARAHA UU KAGA GUBTAY
June 3, 2017 - Written by admin

“Weerarkii cuslaa ee aan ku qaadnay guutadii 99naad ee SNM oo uu hogaaminayay kornayl (Jidhif) oo aan isku kuliyad ahayn”Col. C/casiis Cali Bare

“waxaad moodaysay inaanu aad isku kaarto fahmaynay milatari ahaan sababtoo ah waxay jid gooyo ku dileen abaanduulahaygii”

Ama Itoobiya Ha Ka Dhex Dagaalanto Ama Maraykan Ha Ku Soo Duulo’e Somalia Wali Kama Dhicin Dagaal La Mida Kii Na Dhexmaray Anaga (Dawladii Hore Ee Siyaad Bare)
Iyo Xoogagii SNM” Kornayl Cabdicasiis Cali Bare

Kornayl Cabdicasiis Cali Bare oo ka mid ahaa saraakiishii ugu saraysay milatariga taliskii kalidii taliyihii Siyaad Barre ee dawladii la isku odhan jiray Soomaaliya ayaa markii u horaysay ka hadlay xaalada xiligan ee koonfurta Soomaaliya isagoo ku tilmaamay arin aan macno badan samaynayn oo ah gorgortan kursi iyo mid shaqsiyo ah. Waxa kale oo uu ka hadlay Cabdicasiis Cali Barre in koonfurta Soomaaliya iyo waqooyigu (Somaliland) ay ku kala horeeyaan dagaalada milatariga dhinac walba waxanu tusaale u soo qaatay dagaaladii dhex maray SNM xiligii ay dalka haysteen.

Taliyihii guutadii 77aad ee xoogagii faqashta Kornayl C/casiis Cali Bare  mar uu u waraysi Kooban SIiyay warbaahinta waxa uu sidoo kale  ka hadlay dagaalo qadhaadh oo isaga iyo guutadii 99aad oo uu hogaaminayay Kornayl Maxamed Xasan C/laahi(Jidhif) iskaga horyimaadeen xeebta Somaliland,waxaanu kornayl C/casiis Cali Bare ka hadlay xeeladihii dagaal ee ay ku dheehnayd khibrada Militari ee uu kala kulmay guutadii sooma jeestayaasha ahaa ee 99aad isaga oo ku sifeeyay dagaaladaas kuwo aan abid ka dhicin koonfurta Somaliya, isagoo arintaasi ka hadlayana  wuxu yidhi

“Ama Itoobiya ha ka dhex dagaalanto ama maraykan ha ku duulo’e Soomaaliya wali kama dhicin mid la mida kuwii na dhex maray jabhadii SNM waxanan damacsanahay inaan buug ku soo saaro laakiin hadaan in yar ka xuso waxay ahaayeen dagaalo aad iyo aad u qadhaadh dhinac walba oo leh maskax xeel dagaal, taatiko milatari, iyo dhiiranaantii halista ahayd ee dagaalyahanimada Soomaalidu ku caan baxday waxanay dagaaladaasi lahaayeen qaabab badan oo halisa sida weerar dhamaystiran, difaac, jidgooyo, dhabarjabin, miino-xidh, arbush, iyo sahan culus taas oo ay dheerayd dagaalka ku dhufoo ka dhaqaaqda ah oo leh sas iyo jaha habaabin khatar ku ah cutubyada ciidanka, ma aha waxa aayar la ilaawi karo dhacdooyinkii dagaaladaasi khusuusan xiliyadii u danbaysay ee aan anigu gulufka adag ee ciidankii 77 ee libaaxyada Soomaaliya aan ku kiciyay guud ahaan aagagii SNM gaar ahaana xeebta galbeed oo aan ku horeeyay.

Weerarkii cuslaa ee aan ku qaadnay guutadii 99naad ee SNM oo uu hogaaminayay kornayl (Jidhif) oo aan isku kuliyad ahayn kuwaas oo aan weerarkaa hore kaga guulayasanay hase yeeshee, aad noogu waxyeeleeyay weeraradii rogaal-celiska ee gaadmada iyo goosgooska ahaa waxaad moodaysay inaanu aad isku kaarto fahmaynay milatari ahaan sababtoo ah waxay jid gooyo ku dileen abaanduulahaygii ciidanka saraakiil badan oo kalena way sigteen, waxay noo adeegsadeen sirta culus ee ciidanka taas oo ah dhegaysiga isgaadhsiinta raadiyaha iyo fasiraada afgarashooyinka ciidanka ee (Taararka) la isku dirayo, meelihii ugu darnaana waxa ka mid ahaa jidgooyadii dooxa Bariisle maalintaas oo ahayd markay saraakiisha laayeen oo ciidanka uu watay kornayl (Jidhif) waxa markii gurmadkayagii ku soo dhawaaday qasab ku mareen ciidankii Djibouti ee xadka ilaalinayay taas oo macnaheedu ahayd inay taarkayaga dhagaysteen waana hab dagaal.

Kornayl C/casiis Cali Bare ayaa sidoo kale sheegay in xasuustiisa kale ee aanu marnaba ilaawayn ay ka mid ahayd mar ay is hujuumeen Guutadii Aaga cidhifka Bari ee 1aad oo uu hogaaminayay kornayl Maxamed Kaahin

Waxaanu u dhignaa hadalkiisu sidan:

“Dhinaca kale ee isaguna aadka u adkaa wuxuu ahaa aagii cidhifka Bari ee guutadii 1aad ee SNM oo sidaan ka warqabo uu hogaaminayay Maxamed Kaahin, waxa xusid mudan maalintii aan damacsanaa inaan qabsado tuulada la yidhaahdo Dhoqoshay oo xiligaa ahayd meel istaraatiji ah magaalo camirana ah way noo suurto gali wayday oo waxa lanagu difaacay difaaca adag ee madaafiicda, difaaca (Madfaca Hoobiyaha) oo garbo siman ah, waxay ahayd mid aad u jabisay weerarkaygii maalintaas oo la mid ahayd kuwii aan ku qabsaday goobo muhiim ahaa sida xaruntii taliska guud ee SNM oo ahayd Baligubadle iyo Alaybaday iyo meelo kale oo badan. Maaha wax si kooban aan uga sheekayn karo labada dhinacba saraakiil ha jiraane waxay ahaayeen raga tayada badan lihi saraakiishii waqooyiga gaar ahaan dhinaca SNM ragga isugu tagay.

Gebagabadii dagaaladan xiligan ee koonfurta Soomaaliya waa kuwo magac dil ku ah sumcada soomaalidu dagaalada milatari ku lahayd, waxana inta badan ka muuqata rag iska hadlaya oo aan khibrad dagaal shaqo ku lahayn.”

warbixintan ayay daabacday 11 sano ka hor  2007ki  shabakad laga lee yahay koonfurta somaliya oo la yidhaa somali network forum

saxilnews.com

COMMENTS
Latest News