Saxilnews.com
XARUNTA WAXBARASHADA EE DEGMADA SHEIKH WAXAY UGU BAAQAYSAA DHAMAAN AQOONYAHNKA REER SHEIKH EE KA BAXAY DUGSIYADA KALA DUWAN EE DEGMADA SHEIKH IN AY KA SOO QAYB GALAAN SHIRKA WADA TASHI OO LAGAG TASHAN DOONO AAYAHAY WAXBARASHO EE DEGMADA SHEIKH
May 26, 2018 - Written by editor

Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Shirweynaha Ardayda Dugsiyada Sheikh

 

 

 

 

Ku: Dhammaan Ardayda ka baxday Dugsiyada SOS, M. Shire Gab iyo Oday X. Max’ed

 

Uj: Baaq Shir Wada Tashi

 

          Dhammaan ardayda ka baxday dugsiyada kala ah HGSOS, Maxamed Shire Gab, iyo Dugsiga H/Dhexe ee Degmeda Sheikh, waxaanu halkan si sharaf iyo maamuus mudan idinkaga codsanaynaa, in aydu nagala soo qayb gashaan Shirka Wada Tashi ee Waxbarashada Degmeda Sheikh. Shirkaas oo loo baahan  yahay in lagaga tashado mustaqbalka waxbarasho ee Degmeda Sheikh, maadaama oo aynu nahay aqoon yahanka wax ka bartay Degmeda Sheikh gudeheeda.

 

Hadaba, waxaanu idin ogaysiinaynaa, in shirkaa Wada Tashi lagu wadaa in uu qabsoomo maalinta   khamiis ee taariikhdu tahay 7/6/2018 , saacaduna ay tahay 8.00 habenimo, goobtuna waa hoolka dawladda hoose ee Degmeda Sheikh.

 

Hadaba, mudanayaal iyo marwooyin, waxaa sharaf noo ah hadaanu nahay maamulka waxbarashada ee Degmeda Sheikh, in idinka oo aqoonyahankii degmeda wax ka bartay dugsiyadeeda laga soo bilaabo 2004/2005 ilaa 2017 – 18  aad nagala soo qaybgashaan shirkaa muhiimka ah ee Wada Tashi.

 

Allaa Mahad Leh

 

 

 

Guddoomiyaha Waxbarashada & Sayniska

Maxamed Ibrahim X. C/Laahi

 

 

____________________________________

 

 

COMMENTS
Latest News