Saxilnews.com
XAMARJE OO KA JAWAABAY EEDIHII MURASHAX FAYSAL CALI WARAABE
June 27, 2017 - Written by cali abdilaahi

Xoghayha Xidhiidhka Gobolada iyo Degmooyinka ee xisbiga mucaaradka ah ee wadani Axmed Xamarji ayaa jawaab ka bixiyay hadalo ka soo yeedhay guddoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali waraabe oo ku eedeeyay masuuliyiinta xisbiga wadani in ay xukuumadda soomaaliya ka bixisay kharashka cirmadda.

Mr. Xamarje oo ka hadlayay munaasibad uu xisbiga Xisbiga wadani masuuliyiin ka tirsani kula kulmeen jaaliyadda somaliland ee dalka Sacuudi arabiya ayaa yidhi

“Haddii qof masuul hadal Ummadda u jeediyo hadaan laga dabo tagin waxa laga yaaba inay dadku run u qaatan, waxaan arkaayay Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe oo saxaafadda la hadlaaya oo leh Waftiga WADDANI 35 qof ayaa Cimrada loo diray, in wax kasta laysku dacaayadeeyo maha, Anigu hadda ayaan Makka ka imi, qof kasta goonidiisa ayuu Xaramka iyo cibaadada u yimi Alle ha daaye inankayga ayaa aniga isoo diray”.

COMMENTS
Latest News