Saxilnews.com
Xagee marayaa kiiskii Caasho Ilyaas?
June 22, 2019 - Written by editor
Sawir tusaale ah

Maxkamadda racfaanka ee Gobolka Nugaal ayaa maanta mar kale dib u dhigtay fadhigii go’aanka looga gaari lahaa ragga ku eedaysan kiiska Caasho Ilyaas Aadan oo ahayd gabadh 12 jir ah oo lagu kufsaday laguna dilay magaalada Gaalkacyo.

Maxkamadda ayaa sheegtay in go’aan ka gaarista kiiskaaas barri oo Axad ah dib loogu dhigay.

Qareenada u doodaya Saddex eedaysane oo maxkamadda darajada koowaad ay horay xukun dil ah ugu ridday ayaa racfaan ka qaatay xukunkaas.

Maxkamadda racfaanka ayaa lagu waday in maanta fadhigii ugu horreeyay ay ka yeelato ragga ku eedaysan kiiska Caasho ee horay xukunku ugu dhacay.

Wali lama oga in maxkamadda racfaanku ay burin doonto xukunkii maxkamadda darajada koowaad iyo in ay ku raaci doonto.

Si kastaba ha ahaatee kiiskan ayaa ugu dambayn waxaa go’aan ka gaari doonta maxkamadda sare ee Pundtland, kaddib marka kiiskani uu ka gudbo maxkamadda racfaanka.

Xukunkii hore ee maxkmadda Darajada Koowaad

Maxkamadda darajada 1-aad ee Gobolka Nugaal ayaa xukun dil ah ku ridday raggii ku eedaysnaa kiiskii Caasho Ilyaas Aadan oo sanadkaan horraantiisii kufsi iyo dil loogu geeystay magaalada Gaalkacyo.

Guddoomiyaha maxkamadda Sheekh Cabdinuur ayaa ku dhawaaqay xukunka.

Ragga la xukumay ayaa kala ah: Cabdifataax Cabdiraxmaan Warsame, Cabdisalaan Cabdiraxman Warsame iyo Cabdishakuur Maxamed Dige, waxaana lagu xukumay dil toogasho ah oo ay fulinayso dowladda Punland.

Maxkamadda ayaa sidoo kale fasaxday toddobo nin oo kale oo kiiskaan ku eedeeysnaa, kuwaas oo ay danbi ku wayday.

Garsooraha maxkamadda ayaa sidoo kele sheegay in ragga la xukumay ay haystaan bil racfaan ah.

Maxkamadaynta raggan ayaa dhowr jeer oo hore dib u dhacday ayadoo qareennaddii u doodayey ay codsadeen in waqti dheeri ah la siiyo.

Kiiska gabadhaan yar ee kufsiga iyo dilka loo gaystay ayaa caro weyn ka dhaliyey magaalada Galkacyo iyo guud ahaan deegaanada Puntland.

Dhammaadkii bishii Febraayo ee sanadkan ayaa meydkeeda laga helay magaalada Galkacyo ka dib markii laga afduubay halkaasi.

Dadka deegaanka ayaa BBC-da u sheegay in meydkan gabadhan yar la soo dhigay meel aan ka fogeyn xaafaddooda.

Kufsiga loo geystay gabadhan yar ma ahan kii ugu horreeyay ee ka dhaca deegaanadaas oo waxaa ka horreeyay kufsi loo geystay gabdho kala duwan oo ka kala dhacay magaalooyinka Galdodgob, Galkacyo, Garowe, iyo Guriceel, inkastoo qaar ka mid ah xabsiga loo taxaabay, hase yeeshee waxaan la ogeen sababta ku qaadi karta dadka ka dambeeya falkan foosha xun.

COMMENTS
Latest News