Saxilnews.com
Xabsiga Wayn Ee Magaalada Boorama Oo Buux Dhaafay Iyo Bahda Garsoorka Ee Gobolka Awdal Oo Baaq Ka Soo Saaray”””
September 6, 2015 - Written by admin

Boorame( Saxilnews)-Xabsiga dhexe ee magaalda boorama ayaa noqday mid buux dhaafay waxaana uu gudoomiyaha maxakamada racfaanka ee gobolka awdal Sahal Dayax uu qayladhaan iyo fariin isku jirta u diray udiray xeel ilaaliyayaaasha goboka awdal waxaana uu hadakiisii ku bilaabay sidan

‘’xabsiga wuu buuxaa arintanina waxay aad u khusaysaa gobolka iyo xeer ilaalinta marwalba warqad ayuu soo qorayaa wuxuu leeyahay maxabiistii naqaskaa haya oo dumarkii waan ka kaxaynay oo waxaan ku xidhanay saldhigyada qaar oo qolaalkii dumarka rag ayaa laga buuxiyay hadan wuu buuxaa hadaba waynu u baahannahay inaynu dadajino xukumada rumaanka xeer ilaalintana waxaan ka codsanaynaa inay iyaduna la xisaabtanto si dagdaga baadhayaasha saldhigyada ,si go’aamadaasi u dhamaadaan oo maxaabiistaasi u yaraato ka dibna taliyaha xabsigu wixii xukun ah ee maxakamdaheenan ka dhamaaday uu ugu badalo laakiin hadii inta halkan anbiil u yaalo ama dhagaysigii dacwadu halkan u yaalo dee halkaa ayuu ku jiraya oo qaarkalena ku soo shubmayaan markaa aan kala guro’’

 Islamarkaana Waxaa kale oo isna si adag uga hadlay jeelasha sii buux dhaafaya ee ku yaala gobolka awdal gudoomiyaha maxakamda awdal waxaana uu isna hadalkiisi ku bilaabay sidan

‘’waa run oo wuu buuxaa laakiin jeelku wuu yaryahay oo waa kii loogu talagalay ee barigii ingiriiskii la dhisay weeye sidii aan u dadajinlahayn dacwadahana diyaarbaanu u nahay ‘’ ayuu ku soo koobay hadalkiisi

Waxa kale oo halkaasi lugu dhaariyay gorsoorayaal dhawaan la soo magacaabay gobolka awdal

 

 

 

maxamed xasan

 

 

Saxilnews005@gmail.com

 

COMMENTS
Latest News