Saxilnews.com
Xaaf oo sheegay kuwa ay ahaayeen askartii dadka ku laysay Gaalkacayo
June 20, 2019 - Written by editor
.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo maanta warbaahinta kula hadlayay magaalada Dhuusamareeb ayaa markii ugu horeysay ka hadlay dad dil wadareed loogu geystey magaalada Gaalkacayo, sababo la xiriira heeb sooc.

Madaxweyne Xaaf ayaa sheegay in dadkii la laayay ay ka dambeeyeen askar ka tirsan ciidamadda xoogga dalka, kuwaas oo uu sheegay in ay ka amar qaataan dowladda Federaalka, maamulkiisana uusan waxbo ka qaban karin.

Waxase uu intaas ku daray in hal askari oo ka tirsan booliiska Galmudug uu ka mid ahaa askarta dadka laysay, kaasina uu xiranyahay.

Horey maamulka Galmudug ayaa sheegay in ay xireen askar fulisay dil kale oo dhacay.

COMMENTS
Latest News