Saxilnews.com
Wiil Uu Dhalay Sarkaal Ka Tirsan Alshabaab Ah Oo Maanta Lagu Dhex Dilay Xabsi Ku Yaala Dalka Somaliya.
January 15, 2017 - Written by Abdisalaan Harir

 

Mid ka mid ah wiilasha sarkaal sare oo ka tirsan xarakada alshabaab ee ka dagaalanta Koonfurta Dalka Somaliya ayaa maanta lagu diley Saldhig uu ku xidhnaa oo ku yaala degmada Maxaas oo ka tirsan gobolka Hiiraan.

Wiilka jeelka lagu dhex dilay oo uu dhalay gudoomiyaha Alshabaab ee Deegaanka MOQOKORI oo iyaduna ka tirsan isla gobolka Hiiraan ayaa ka mid ahaa maxaabiis tiro badan oo ka tirsanaa maxaabiis ay dhawaan gacanta ku soo dhigeen ciidamada dawlada,

Ninka dilkan gaystey ayaa la sheegay in uu ahaa nin hubaysan oo isla shalay degmada MOKOQORI lagu diley walaalkii isla markaana uu u diley Wiilkan sarkaalku Alshabaab dhalay in uu usoo aaro walaalkii oo uu dilay ciidan ka amar qaata gudoomiyaha mokoqori ee alshabaab,

Saraakiisha ciidamada Dawlada ee gobolka Hiiraan ayaan wali ka hadlin dilka loo gaystay wiilka uu dhalay masuulkan ka tirsan alshabaab.

 

COMMENTS
Latest News