Saxilnews.com
WIIL UU DHALAY MADAXWEYNIHII HORE EE PUNTLAND OO HOOYADII DILAY
April 9, 2015 - Written by admin

Waxaa maanta Magaalada Garoowe ee Xarunta Maamulka Puntland lagu dilay Amina Abiib Cilmi, oo ahayd afada Madaxweynihii hore ee Puntland Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole).

Amina Abiib Cilmi, ayaa waxaa la soo sheegayaa in uu dilay wiil ay dhashay, laguna magacaabo Cumar C/raxmaan Maxamed Maxamuud.

Ciidamada Booliska Puntland oo ku baxay goobta uu dilku ka dhacay, ayaa waxay gacanta ku soo dhigeen Cumar Cabdiraxmaan, waxaana lagu xidhay saldhig ku yaala Magaalada Garoowe.

Ilaa iyo hadda si buuxdo looma garanayo waxa keenay in Cumar uu hooyadii uu rasaas ku dilo, hase ahaatee laamaha ammaanka ee Magaalada Garoowe, ayaa baadhitaano la xidhiidha wada.

Suxufiyiinta, ayaa waxay soo sheegayan in dhacdadaan si weyn looga hadalhayo qaybaha kala gedisan ee Magaalada Garoowe ee Gobolka Nugaal.

 

berbera2002@gmail.com

COMMENTS
Latest News