Saxilnews.com
Wiil Uu Dhalay Madaxweyne Qadaafi Oo Xabsi Ku Yaala Liibiya Laga Sii Daayay + Inta Sanno Ee Uu Xabsiga Ku Jiray Iyo Cida Sii Deysay
June 11, 2017 - Written by Saki Adam Suxufi

Libya (Saxilnews):-Wilka ugu yar wiilasha uu dhalay hogaamiyihi hore ee dalka Liibiya Macamar Al-Qadafi ayaala sheegay in xabsiga laga sii daayay. Koox maamusha gacan ku heynta magaalada Zintan ee galbeedka dalka Libya ayaa waxaa ay shegeen inay sii dayeen Seif Al-Islam, oo ay cafiyeen.

Seif al-Islam ayaa muddo dhan 6 sanno ku jiray xabsiga ku yaala dalka Liibiya kaddib markii xilka laga tuuray aabihii sannadkii 2011-ka. Waxaana jiray warar hore oo sheegayay in la sii daayay Seif al-Islam balse markii dambe been noqday. Siideynta Saif al Islam Qadaafi ayaa waxaa ay dalka Liibiya kusoo kordhin karta xaalad kale oo kala qeybsanaan ah.

Saif Al- Islam Qadaafi ayaa xabsiga la dhigay bishii novermber ee sanadkii 2012-ka xilii uu u baxsanayay dalka Niger, waxaana uu soo muuqday isaga oo ka go’an dhowr farood.

Sanadki 2015-kii maxkmaad ku taala magaalada Tripoli ayaa ku xukuntay dil sababa la xidhiidha falal dambiyeedyo uu ka geystay dalkaasi xiligii uu socday kacdoonkii ka dhanka ahaa aabihii.

Saif al-Islam ayaa wali waxaa doondoonaya maxkamada dambiyada caalamiga ee Hague, waxaana loo heystaa dambiyo dagaal, iyo kuwa ka dhan ah bani’aadanimada. Sidaa ay sheegayaan warar aan la xaqiijin Sayf al- Islam ayaa haatan kula sugan ehaldiisa magaalada Bayda ee ku taala bariga Liibiya.

Saif Gadaffi ayaa wadamada reer galbeedka looga arkaa wajiga kaliya ee ka haray nidaamki Qadaafi.

Iyadoo gudaha iyo dibadda Libiya ay dad badan u muujinayaan naceyb, ayaa hadana waxaa uu xoogaha taageero ka heystaa gudaha Libya, waxaana suuragal ah in uu isku dayo in uu kusoo laabto siyaasada cakiran ee wadanka Liibiya.

COMMENTS
Latest News