Saxilnews.com
Wershad Somaliland Lahayd Oo Ay Bedeleen Warshado Laga Leeyahay Wadamada Chinna Iyo Jabaan/Qalinkii Weriye Cabdiraxmaan Tiriike
August 17, 2017 - Written by admin

Hore Waxay U Ahayd Wershad Meel Hal-bawle Ah Ugu Jirtay Umada Ku Hadasha Afka Somaliga Waana Mid Muujin Karta Hadii La Helo Marlabaad In Dalkani Yahay Dal Jira ,,Wax Soo Saarka Wershadni Muu Ahayn Midho La Beerto Ama Cunto Lasoo Saaro,Balse Waxay Ahayd Mid U Dhigana Tacabka Beeraha,Waana Xirfad Lagu Soo Saaro Maacuunta,Ama Weelka,Hubka,Haamaha Biyaha Lagu Shubto, Waana Wershad Ay Joogaan Xirfadlayaashii Soo Saari Jiray,Agabkaas,Hadii Si Dhakhso Ah Dib Loogu Hawl Geliyo Waxay Si Yar U Qabsanaysaa Suuqyada Somaliland

Agabka Ah Soo Saari Jirtay Wershadu,

1Maacuunta Guriga Sida,Malgacado,Mindiyo,Tibta Iyo Mooyaha,IWM2Haamaha Ay Biyaha Ku Shubtaan Dadka Reer Guuraaga Ah3.Hubka Toorida Hootada,Waranka Wadhafka Iwm4 Kabaha La Xidho Oo Dhawr Nooca
Dhamaan Agabkaas Waxaa Samayn Jiray Dadka Somalida Ah Waana Lagu Baahi Baxay Balse Nasiib Daro,Waxaa Bedelay Wershado Laga Leeyahay Wadamada Shisheeye,Kuwaas Oo Badeecado Aan Tayo Lahayn U Soo Waarida Suuqyada Somaliland, Isla Markaan Kaga Xoog Batay,Dadkii Somaland Ahaa Ama Somalida Kaleba Kuwaas Oo Niyad Jabiyay Wershadihii Dhabta Ah,Ee Ay Lahaayeen Dadkeena,Ee Ahaa Dadka Xirfada Alle Hibada U Siiyey,
Hibbo Eebe Kusiiyey Habeen Layskama Qaado,Way Ila Xun Tahay,Shikhsiyan,In Gabadh Soomaliyeed Ka Faanto In Midi Laga Leeyahay Dal Shisheeye Ay Ka Jeclaato,Mid Lagu Sameeyo Dalkeeda Hooyo,,Way Ila Xuntahay In Nin Somali Ah Cunto Lagu Siiyo Malgacad Ama Mindi Chinna Laga Leeyahay Isaga Oo Helaaya,Fandhaal Iyo Mid Ka Mudan Oo Dhaqankiisiiya,
Waan U Xiiso Qaba Inaan Mar Hor,fadhiisto Agabkii Soo Jireenka Ahaa Ee Aynu Lahayn Isla Markaana Isticmaalo,Inkasta Oo Badi Adeegsaday,Ama Wax Ku Cunay,,
Xisbiyada Qaranka Iyo Hogaanka Dalku Waa Inay Dib U Soo Celiyaan Arimaha Muhiimka U Ah Dalka Muujinaaya Inaad Tahay Sinjiyad Jirta,Waan In La Joojiya Agabkan Qabsaday Suuqyada Somaliland Isla Markaana La Dhiiri Geliyo Dadka Xirfad Yahanada Ah Si Rajadooda Dib Loogu Soo Nooleeyo,Waayo Waa Qalab Ama Farshaxan Muujinaya Inaynu Nahay Asal Somali,,,Waxaan Soo Jeedin Lahaa In La Joojiyo Badeecadaha Ama Maacuunta Niyad Jabka Ku Abuuray Waxsoosaarkii Dalka,Ee Ka Imanaaya Wadamada Shisheeye
NB,Waa Tallo WADDANIYAD,


Qalinkii Weriye Cabdiraxmaan Tiriike

COMMENTS
Latest News