Saxilnews.com
Weerar Ka Dhacay Dalka Turkiga , Tirada Ay Gaadheyso Khasaaraha Dhimasho Iyo Dhaawac Ee Ka Dhashey + Sawiro
January 1, 2017 - Written by Abdisalaan Harir

 

Istanbul (Saxilnews):- Saraakiisha Turkiga ayaa sheegay in sodon iyo shan qof la dilayhalka afartan kalena ay dhaawacmeen kadib markii nin hubeysan u weeraray xarun lagu caweeyo oo ku taala magaalada Istanbul

Image may contain: one or more people, people standing, night and outdoor

Ugu yaraan hal nin oo hubeysan ayaa la xaqiijiyay in ku lug lahaa weerarka loo geystay goobta lagu caweeyo ee Reina, ee deeganka Ortakoy, oo ah meel ay degan yihiin dadka tujaarta ah

Image may contain: 3 people, people sitting

Warbaahinta gudaha ayaa sheegaysa in ninka hubeysan u gudaha u galay goobta lagu caweeyo isaga oo ku labisan dharka dabaaldega ciidaha masiixiga. Kadibna wuxuu si arxan daro ah rasaas ugu furey dadkii meesha ku jiray.

 

Mid kamid ah ciddamada booliska ayaa weerarkaasi ku nafwayeey.

Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ayaa goobta baadhitan ku sameynaya ayadoo gawaadhida gurmadka degdega ahna ay ku suganyihiin goobta weerarka u ka dhacay.

Boqolal qof ayaa ku sugnaa goobta lagu caweeyo xilliga weerarka uu dhacayay halka qaar ka mid ah dadkana ay biyaha badda isku tuuren cabsi daradeed taasoo qasabtay in lasoo badbaadiyo.

COMMENTS
Latest News