Saxilnews.com
Waxay Ahayd In Afar Gool Aanu Ka Dhalino” – Cristiano Ronaldo Oo Dhalleeceeyey Manchester United Iyo Kooxaha Kale Ee Ingiriiska
November 8, 2018 - Written by editor

Cristiano Ronaldo ayaa dhalleeceeyey kooxdiisii hore ee Manchester United kaddib markii ay dhamaatay ciyaartii xalay kooxdiisa Juventus loogu xambaariyey guul-darrada 1-2.

Ronaldo ayaa Manchester United ka dhaliyey goolkiisii koowaad ee xili ciyaareedkan uu ka dhaliyo tartanka Champions League, hase yeeshee laag xor ah oo uu dhaliyey Mata iyo mid kale oo difaaca Juventus iska dhaliyeen waqtigii dheeriga ahaa ee lagu daray ciyaarta, ayaa natiijada ka dhigay 1-2, waxaana ay guushaani Manchester United kor ugu soo qaadday kaalinta labaad inay ku fadhiisato toddoba dhibcood, iyadoo laba kaliya ka hoosaysa Juventus oo intii aanay ciyaartu bilaabmin ka horreysay shan dhibcood.

Haddaba markii ay ciyaartaasi dhamaatay waxa jamaahiirta Manchester United ka xanaajiyey xiddiga reer Portugal ee Cristiano Ronaldo oo sheegay in ciyaartu u qalmaysay inay ku dhamaato afar gool oo Juventus dhalliso, waxaana uu tilmaamay in United ay samaysay laba fursadood oo kaliya oo ahaa kubbado dhinacyada ka yimid.

Cristiano Ronaldo oo u warramay Viasport ciyaarta kaddib, ayaa waxa uu yidhi: “Waan ku faraxsanahay goolka aan dhaliyey, laakiin waan niyad jabasanahay sababtoo ah waxay ahayd inaanu si fudud ugu guuleysano saddex ama afar gool. Manchester United may samaynin wax badan, waxay abuureen laba fursadood oo dhinacyada ka yimid. Kooxaha Ingiriisku mar walba waxay raadiyaan kubbad dhinaca laga keeno, laakiin khaladkayaga ayaanu wax ka baran doonaa, welina anaga ayaa u sarrayna, waananu wanaagsanahay.”

Ronaldo waxa uu tilmaamay in kooxdiisa Juventus aad u wanaagsan tahay laakiin uu ka horreeyo jid dheer oo ay ku tagaan finalka Champions League, waxaanu yidhi: “Waxa aanu nahay koox wanaagsan laakiin jid dheer ayaa naga xiga finalka. Dadkan iyo kooxduba waxay ku riyoonayaan inay ku guuleystaan Champions League laakiin waa inaanu tallaabo-tallaabo hore ugu

COMMENTS
Latest News