Saxilnews.com
WAXAANU U SHEEGAYNAA SOOMAALIYA IN MAANTA WIXII KA DAMBEEYA AY NAGA BAQAN DOONAAN HADAY NAGA XISHOON WAAYEEN”…XOGHAYA GUUD EE WADDANI
March 3, 2018 - Written by editor

Hargeysa(saxilnews.com):-Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani ayaa si kulul jawaab uga bxiyey hadal ka soo yeedhay raysal wasaaraha soomaaliya kaas oo ku saabsan heshiiska dekeda Berbera.


Xoghaye Uurcade oo ugu horayn ka hadlaya heshiiska dekeda Berbera ayaa waxa uu yidhi “Heshiiskaas waxa ansixiyey oo sharciyeeyey xukuumada somaliland, goleyaasheeda qaranka, xisbiyada iyo shacabka somaliland, waxaanan maqlaynay oo lagu cel celinayey raysal wasaaraha soomaaliya oo si aflagaado ah oo cay ah  uga hadlayey shacabka somaliland oo
Xoghayaha guud ee xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Maxamed Cabdilaahi Uurcade oo maanta la hadlay warbaahinta ayaa dawlada soomaaliya ugu hanjabay inay ka baqi doonaan somaliland, haddii ay diidaan xishoodka.

 

danahooda uga tashaday kaas oo u hadlayey si dadnimada ka baxsan oo ay shacabka somaliland la yaabeen, waxaanan u sheegaynaa in somaliland, goleyaasheeda, madaxdeeda iyo shacabkeeduba ay yihiin umad jirta oo aduunyada ka mid ah, adiga iyo qayrkaa toona talo ka waydiin maayaan dalkooda,”Xoghaye Uurcade oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey “Waxaan idiin sheegaynaa hadaad tihiin soomaaliya in badan ayaanu jeclayn inaynu walaalnimo iyo darisnimo ku wada noolaano balse way idiin dhadhami wayday, waxaanu idiin sheegaynaa  hadaad xishoon waydeen inaad naga baqan doontaan oo aad in badan ka cabsan doontaan soomaliland haddii aad diideen inaynu walaalnimo ku wada noolaano.”

Xoghayaha guud ee xisbiga Waddani ayaa sidoo kale ka jawaabay hadalada ay shacabka iyo madaxda soomaaliya ka bixiyeen qadiyada somaliland waxaanu yidhi “Waxaanu jeclayn inaanu soomaaliya walaalnimo ku wada noolaano balse way u dhadhami la dahay mudo 27 sanadood ah oo aad ku cel celinaysaan ma tihidin umada jirta maalin walba aad warbaahinta la soo fadhiisanaysaan hadaad tihiin madax iyo hadaad tihiin mijaba, waxaanu idiin sheegaynaa oo aanu idiinku cel celinaynaa inaad naga baqi doontaan maanta wixii ka dambeeya hadaad naga xishoon waydaan.”

COMMENTS
Latest News