Saxilnews.com
WASIIRKII MAALIYADDA EE DALKA ZIMBABWE OO MAXKAMADDA LA HORGEEYEY
November 27, 2017 - Written by editor

Zimbabwe:-(SAILNEWS.COM) Wasiirkii Maaliyada ee dowladii Zimbabwe Ignatius Chombo ayaa maxkamada la horgeeyey waxaa loo heystaa lunsashada hantida Qaranka.

Wasiirka Maaliyada ee Xukuumadii Mugabe ayaa la sheegay in uu hada heysto hanti badan oo uu ka lunsaday Qaranka, waxaana la sheegay in guryaha uu ku leeyahay dalkaasi kaliya ay ka badan yihiin 100 guri.

Qareenada u doodaya Ignatius Chombo ayaa sheegay in Wasiirka ay koox hubeysan gurigiisa ka qafasheen maalintii ay ciidamada militariga awooda la wareegeen 15kii bishan, waxayna ku eedeeyeen in ciidamada qafaashay ay jirdil u geysteen kahor inteysan soo siideyn khamiistii lasoo dhaafay, wasiirka ayaa dib Booliiska u xiray Jimcihii.

Xeer illaalinta dowlada Zimbabwe ayaa sheegtay inaysan la socon jirdilka loo geystay wasiirka balse xarigiisa ay booliiska si sharciga waafaqsan u fuliyeen jimcihii, xeer illaalinta ayaa sheegtay inaysan waxna ka ogeyn ciidamada la sheegay inay jirdilka u geysteen wasiirka.

Isniinta beri ah ayaa lagu wadaa in maxamada ay bilowdo dhageysiga dacwada iyo codsiga damiinta ee Wasiirka soo gudbiyey in lagu siidaayo.

COMMENTS
Latest News