Saxilnews.com
Wasiirkii Boosaha Ee Gurigaas Dableyda Hubeysan Weerartey Oo Ka Hadley Weerarkaas Lagu Qaadey Iyo Cida Uu U Tuhuunsan Yahay .
March 25, 2017 - Written by suxufi

Hargeysa (Saxilnews):- Wasiirka wasaarada boosaha iyo isgaadhsiinta SomalilandMaxamuud Cabdilaahi Cige oo gurigiisa weerar lagu qaadey ayaa waxaa uu ka hadley weerarka lagu qaadey gurigiisa .

Image may contain: 1 person

Wasiirka Boosaha oo wareysi gaar ah siiyey wargeyska Geeska Africa ayaa waxaa uu sidoo kale uu baaq u diray Bulshada eer Somaliland waxaana uu yidhi

 

” Waa dhab oo gurigeyga waxaa lagu soo qaadey weerar, waana la rasaaseeyey balse garan maayo cida rasaaseesay ama weerarka geesatey , cid aanu is hayno iyo cid ay cadaawad gaar ah naga dhexaysay midna ma jiro balse arinta gacanta ayaa lagu hayaa , waana la baadhayaa baadhistana wax walba iyada ayaa lagu ogaan doona ” ayuu yidhi wasiirku

Source:- Geeska

COMMENTS
Latest News