Saxilnews.com
WASIIRKA WARSHADUHU KULAN GAARKA AH EE UU ISUGU YEEDHAYO BEESHIISA MAWAXA UU KU DAMBABASAYAA DAYNTII UU GABILEY KAGA TAGAY
April 16, 2015 - Written by admin
Waxa aad loola yaabanayaa tan iyo markii ay soo baxdey in Wasiirka warshadaha oo hore u ahaa Maayarkii Degmada Gabiley isugu yeedhay kulan beeshiisa uu ku martiqadaayo huteelka maansoor, kaas oo miisaan ahaan hoos u dhigaya mansabka uu siyaasiyan u fadhiistey gobolka gabiley ee heer wasiir waxaana arintani daba socotaa in uu caqliyan is leeyahay, deynta ay diideen Golaha Deegaanka  Gabiley, arimahan furfur uga dhig in lagaa aqbalo,miyaanay nusqaan ku ahayn in uu beel gaar ah kulan sooryeed ku kulmiyo maadaama uu u dalacay wasiir taasi waxay la macno tahay,in Shacayb Maxamed Muuse wasiirka warshadaha ee xiligan oo kasoo jeeda Gabiley aanu wada matali karin dadka reer Gabiley islamarkaana, aanu marnaba la meeqaam noqon karin wasiirkii xilkaasi iska casilay

Abiib Diiriye Nuur,oo isagu magaca Gabiley aan hoos uga daadagi jirin.

Gunaanadkii waxaan kula talin lahaa dadka kasoo jeeda Beesha Wasiirka ee uu martiqaadey in ay ku wargaliyaan ama xasuusiyaan in uu wada matalo Gobolka haseyeeshee aanu beel kaliya ku koobnayn hadaanay tani kamid ahayn is daldalaadisii.
Faarax Maxamud Nuur
Gabiley Somaliland
farmaje9@hotmail.com

COMMENTS
Latest News