Saxilnews.com
Wasiirka Madaxtooyada Oo U Weliyo Guddoomiye Ku-xigeenka Wakiiladu Oo Si Weyn Loogu Soo Dhaweeyay Hargaysa. +Sawiro
April 2, 2015 - Written by admin

Hargaysa (Saxil News.com)-Wasiirka Madaxtooyada Somaliland, Mud. Xirsi Cali Xaji Xasan oo uu weheliyo Guddoomiye ku-xigeenka Golaha Wakiiladu, Mud. Baashe Maxamed Faarax ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay Caasimadda Somaliland ee Hargaysa.

unnamed (8)unnamed (5)11134377_359068897622799_1501437222_nunnamed (9)unnamed (16)unnamed (12)

Wasiir Xirsi iyo Guddoomiye Baashe waxay kamid ahayeen Waftigi ka qaybgalay aqoonsigii Caasimadda Gobolka Wallis ee Cardiff u fidisay Somaliland. Barqadii Maanta goor ay ku beegantahay saacadu, ayaa samxad weyn laga dareemay Guud ahaan gudaha iyo afaafka hore ee Garoonka Diyaaraduhu ka hadaan ee Hargaysa. Xildhibaano tirobadan oo ka tirsan Golaha Wakiilada iyo Guurtida, Madax dhaqameed iyo bulshada qaybahooda kala duwan ayaa kamid ah dadkii camiray garoonka.

unnamed (10)unnamed (11)unnamed (13)unnamed (14)

11077289_359068774289478_1856369277_n

11088689_359068884289467_558679586_n (1)11130065_359068634289492_1445353417_n11096826_359068570956165_600872800_n

Sidoo kale Saxaafadda qaybaheeda kala duwan ayaa iyaguna ku sii diyaar aha Garoonka. Dhammaan qaybahaasi waxay nawilayeen oo sugayeen masuuliyiintan soo laabtay. Wasiirka Madaxtooyadda iyo Guddoomiye ku-xigeenka Golaha Wakiilada, ayaa markii ay gacan qaadeen dadkii soo dhaweynaayeen waxay Saxaafadda kula hadleen qolka nasashada. Halkaas oo ay faah faahin kaga bixiyeen u jeeda socdaalkoodu daarna, sidoo kale waxay ka jawaabeen su’aalo tirobadan oo Saxaafaddu waydiisay.

COMMENTS
Latest News