Saxilnews.com
WASIIRKA MADAXTOOYADA MAXAMUD XAASHI OO SHIRKA CIISE MUUSE KU TILMAAMAY MID WADDANKA KHALKHAL GELINAAYO, XILLI UU SHIR BEESHIISA AH KA KHUDBADEEYEY+ MUSHARRAX MUUSE BIIXINA U QUUS-GOOYEY KUNA CANAANTAY JARISKA XOORNIMADA INAAN COD LAGU HELIN
July 30, 2016 - Written by cali abdilaahi
Hargeysa(Saxilnews.com)-halkan Ka akhriso qoraal tiiqtiiqsiya oo aanu ka soo xiganay pageka uu wasiirka Madaxtooyadu ku leeyahay mareegta facebook isaaga oo xaraan ka dhigaya shirka Beelaha Ciise Muuse ka Beeshoodana xalaalaynaya”
Xukuumad Ahaan Ma Ogolin Mana Taageerno Shirarka Ummadda U Horseeda Khalkhalka, Kala Qaybinta, Colaadda Iyo Duminta Qaranka Somaliland…Muuse loo qarin maayo waxa haysta caqabado badan iyo hawl adag, dadkaa isku hayntooda, ileen nin bulshaawi ah oo culus ayaa ka horeeyey oo hayey”.wasiirka madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi.
” ILAHAY ayaa (SWT) mahad leh halkan isugu keen keenay, waa meel  khayr leh, mar labaad  waxaanu u mahad naqaynaa beel weynta Abokor Axmed  soo dhawayntii diiranayd ee ay halkan nagu soo dhawayseen, anaga iyo marti sharafta kale ee shirka gunaanadkiisa idiin timid.
Waxa kale oo aanu ugu mahad naqaynaa shirka qiimaha badan ee gobanimada iyo garashadu ka muuqato ee halkan mudaba ugu socday, waxaanu ku hambalyeynaynaa go’aamada dhaxal galka ah ee ka soo baxay shirkaasi, ee ka turjumayey adkaynta nabadda, midaynta beesha iyo beelaha Somaliland, horumarka , iyo iskaashiga bulshada kale.
 
Xukuumadda KULMIYE ee Axmed Siilanayo madaxda ka yahay waxay dhiiri-galisaa shirarka noocaas ah, waanu soo dhawaynaa, waanu ka qayb galnaa ma cabudhino reer shiraya oo wanaag, iyo horumar wada, taas macnaheedu maaha siyaasad xumo balse waanu dhiiri galinaa, umad wax qabasta oo isu-tashatay waa wax wanaagsan. Ma ogolin mana taageerto shirarka ummadda u horseeda khalkhalka, kala qaybinta, colaadda iyo duminta qaranka Somaliland, waayo waxaanu nahay xukuumadii qarankan ka talinaysay ee la doortay iyo xisbigii tallada hayey, kuwaasina way reeban yihiin.
Waxa shardi ah in shirkaas beesha qabsanaysaa ay isku raacsan tahay,  waxa shardi ah in shirkaasi uu wanaag wado, kuwaas oo dhan waa la ogolyahay, taas macnaheedu maaha in Xukuumadda lagu amaano ayuubaa shardi ah, labadaas shardi ayey leeyihiin.
Halkani waa Qoryaale, dadkani waa beel weynta Abokor Axmed, beelaha kale iyo deegaanda ku xeerana waa la garanayaa , waa taageerayaashii xisbiga KULMIYE, waa kuwii shalay doortay Axmed Siilaanyo, niyad samida iyo hilowga ka muuqda macnahiisu maaha, sad  iyo sareedo dheeraad ah oo ay heleen mudadii Axmed Siilaanyo Madaxweynaha ahaa, umadda ayey la qabaan  hadaanay kaba sad yarayn, laakiin waxay muujinaysaa in xisbigoodii, taladoodii iyo cidii ay u codeeyeen ay guulaysteen oo qarankan ay guul gaadhsiiyeen, lix sano ka dib xukuumadii aad doorateen ayey tallada wadankan ku fashilmi lahayd  maanta hilowgaas iyo soo dhawayntaasi ma muuqdeen, Muusa Biixi-na shacabkaas iyo taageeradaasi ma heleen.
Saaxiibkay Muuse mar waa nasiib badan yahay oo wuxuu murashax ka yahay xisbi gaamuray oo waayo arag ah oo mudo dheer soo jiray oo leh taageerayaal fara badan oo ku firidhsan 23-ka degmo doorasho ee qarankani leeyahay, oo khibrad badan u leh doorashooyinka oo taageerayaashiisii aanay ka lumin mudadii xukuumadda KULMIYE ay tallada haysay balse dhaxlay oo ay ku soo biireen kuwo kale.
Mar labaadna waa nasiib badan yahay xisbiga tallada hayaa waa kuu ka sharaxan yahay, oo Axmed Siilaanyo uu Madaxweyne ka yahay, wax badan ayey xukuumadani qabatay waa tii horumarka guulo badan ayey keentay, maanta isna waa faani karaa xisbigiisina waa faani karayaa, markaa wuu nasiib  badan yahay, gurada waxa  u fadhiya ruug-cadaadii  xisbigan abuuray oo aan murashax ahayn ayaa nusdambeed u ah.
Dhinaca kale Muuse loo qarin maayo waxa haysta caqabado badan iyo hawl adag, dadkaa isku hayntooda, ileen nin bulshaawi ah oo culus ayaa ka horeeyey oo hayey ee, halkaa  halkeeda ayaa laga rabaa isaga inuu ka wado, dulqaad, dad wad, dabacsanaan ayaa laga doonayaa, iyo siyaasadii Siilaanyo mid la mid ah inuu ku hogaamiyo. Raganimadiisu waa gaar nin waliba wuxuu leeyahay maalmo, nin kasta oo qarankan u soo qooqa waxa la odhanayaa maal-maheed ayaa leedahay, Muuse maal-mahiisa ayuu la soo bixi doonaa, anigu u akhiri maayo, isaga akhrisan doona maalintay timaado, laakiin waxa laga doonayaa, isaga arrimahaas, culays badan ayaana haysta, igama aha eraygaasi dhaliil iyo welwel,  waxa se aan leeyahay marka nin culus oo oday ahi uu tallada xisbi kaaga horeeyey ururintiisa caqabado badan ayey leeyahay.”
ALLAA MAHAD LEH.
Guul Umadda Somaliland.

COMMENTS
Latest News