Saxilnews.com
Wasiirka Macdanta Iyo Tamarta Somaliland Oo Safar Faro Madhan Ah Ku Tegey Deegaanka Uu Dhalasho Ahaan Kasoo Jeedo Oo Abaar Saamaysay
October 28, 2016 - Written by Abdisalaan Harir

Hargeysa (SaxilNews):-  Wasiirka wasaaradda macdanta iyo Tamarta Somaliland Md Xuseen Cabdi Ducaale, ayaa faro-madhnaan ku tegay deegaanada uu kasoo jeeda ee hawdka gobolka Togdheer oo abaaro baahsani ka jiraan, waxana isaga oo daasho-daashood iskaga jira oo dhex fadhiistay bulsho goolmoon oo  biyo baad la’aan I hayso.

Wasiir Xuseen iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa safar toddobaadkan ku tegay deegaanada Maxamed Ugaas, Taallo-buur, Jaamac Qabar iyo dabo-qabad oo  goobaha uu dhalasho ahaan kasoo jeedo, waxana uu ku af-gobaadsaday inuu halkaas indho indhayn kali ah u tegay oo aanu u jeeddo kale u soconin.

Wasiirku waxa uu shacabka deegaanadaas u sheegay inay xukuumaddu wax badan qabatay, balse ma uu ballan qaadin inuu wax ka qaban doono baahida ay qabaan, isaga oo meesha ka saaray inuu hawlo olole u socdo, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,“baahiyihiina dawladdu hoos bay u eegtay waxyaabo baddana waanu qabanay,Halkan Olole umaanu imane waxanu u nimi inaanu sahamino oo eegno wixii laga dabooli karo.”

Wasiirku waxa uu indhihiisa kusoo arkay dad iyo duunyo harraad iyo gaajo la dac-darraysan, balse mar kali ah afkiisa kama uu sheegin inuu  wax ka qaban doono xaaladda abaareed, xilli uu hor fadhiyo mid kamid ah wasaaradaha ugu dakhliga badan ee qarankani leeyahay.

Wasiir Xuseen, ayaa muddo toddobo sano ku dhaw katirsanaa golaha xukuumadda madaxweyne Siilaanyo, waxana uu intaasba masuul ka ahaa wasaaradda uu haatan ku magacaaban yahay, balse weligii lama arag isaga oo wax u qabanaya deegaannada uu kasoo jeedo iyo meel kale oo dalka kamid ah midnaba.

Waxa kale oo xusid mudan inuu wasiir Xuseen Cabdi Ducaale  intii uu wasaaraddan joogay ku lug yeeshay mashaariic tiro badan oo macdan-qodis ah, kuwaas oo aan cidi war u haynin xisab-xidhkooda iyo sida uu u maamulay midnaba.

COMMENTS
Latest News