Saxilnews.com
Wasiirka Gaashandhigga DFS Oo Ka Warbixiyey Nin Maraykan Ah Oo Ka Soo Baxsaday Al-Shabaab
December 10, 2015 - Written by admin

Muqdisho (SAXILNEWS.COM)_Wararka ka imanaya dalka Soomaaliya,gaar ahaan magaalo madaxda dalka ee Muqdisho ayaa ka warbixiyey Nin Maraykan Ah Oo Ka Soo Baxsaday kooxdaAl-Shabaab.

Xukuumada federaalka Soomaaliya ayaa faah-faahin ka bixisay nin u dhashay dalka Mareykanka oo lagu magacaabo Cabdimaalik Cabdisamad Jones oo isku soo dhiibay ciidmamada dowlada kadib markii uu ka soo baxsaday kooxda Al-Shabaab.

Wasiirka gaashaandhigga ee xukuumada federaalka Soomaaliya Jen. Cabdulqaadir Sheekh Cali Diini, oo shir jaraa’id ku qabtay magaalda Muqdisho ayaa sheegay in ninkan uu ka yimid magaalada Baltimore ee gobolka Maryland ee dalka Mareykanka, sida laga soo xigtay Jones.

Wasiirku wuxuu sheegay in Jones uu mas’uliyiinta dowladda u sheegay inuu muddo 4 sano ah ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, loona yaqaanay Khaliil.

Wasiirka gaashaandhigga ee xukuumada federaalka Soomaaliya Jen. Cabdulqaadir Sheekh Cali Diini ayaa intaas raaciyay in ninkan uu sheegay inuu markii hore Soomaaliya ka soo galay deegaanka Dhoobley ee xuduudda Kenya, intii uu la joogay Shabaab-na uu guursaday gabdho Soomaaliyeed.

 

COMMENTS
Latest News