Saxilnews.com
Wasiirka Duulista Somaliland oo Kulan la Qaatay Xubno Sare oo Katirsan IGAD + Sawiro
June 8, 2017 - Written by suxufi

Jabuuti (Saxilnews) Wasiirka Wasaarada Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka ee Somaliland Farxaan aadan Haybe ayaa xarunta IGAD ee Jabuuti kulan kula qaatay,  ku simaha xoghayaha guud ee IGAD Mudane Mohamed Muse,  madaxa mashruuca deegaanka ee IGAD Dr Debalkew Berhe, iyo  Madaxa Qaybta warfaafinta ee IGAD Mohamed Habane ,sida uu Wasiirku Ku Sheegay Bartiisa Facebook-ga.

Wassiirka ayaa qoraalkiisa ku yidhi:-“Waxaan kulan muhiim ah la qaadanay aniga iyo xubnaha waftigu saraakiisha ugu saraysa ee Ururka gobaleedka IGAD, Kulankaas oo ka dhacay xarunta IGAD ee Jibouti, waxuu daba socday wada hadalo in mudo ah u socday wasaarada duulista iyo IGAD oo la xidhiidhay keenista qalab lagula socdo saadaasha hawada oo ay balanqaaday hay’adu. Waxay noo sheegeen in qalabkaasi soo socdo oo laga dalbaday shirkad Talyani ah balse mudo qaadanayo”

Wasiirka oo ka hadlaaya waxyaabahii ay ka codsaden IGADayaa waxa uu yidhii:-” Sidoo kale waxaanu ka codsanay in ay abaaraha gacan ka gaystaan sidii looga yeelan lahaa qorshe sahla in mustaqbalka aanay dhicin sida sanadkan ay saamaynta ugu yeesheen nolosha dadka reer guuraaga iyo xoolo dhaqatada ee JSL.”

Wasiirku waxa uu tibaaxay in ay jiraan Mashaariic ay u diyaariyeen Somaliland IGAD waxanu yidhi:- “Kulankaas oo midho dhal ahaa,waxay noo soo qadimeen in mashruuc jiro wax lagag qabanayo biyaha iyo xoolaha oo IGAD ugu talo gashay SL.”

Wasiir Faraxaan waxa uu shegay in ahawlahan dabagalkooda kaga yimaaden Safiirka Somaliland u fadhiya Jabuuti C/fataax Siciid Axmed, waxanu yidhi:-“Waxaa hawlahaas dabagalkooda aanu ku heshiinay in ay ka wada socdaan safiirkeena Jabouti mudane Cabdifataax.”

Wasiirku waxa uu u mahada celiyay xubnahaasi waxaanu yidhi:- “Ugu danbayn, waxaan mahad mug wayn u celinayaa xubnaha sare ee Urur gobaleedka IGAD ee shirka nagala qayb qaatay oo kala ah Mudane Mohamed Muse ku simaha xoghayaha guud ee IGAD, Dr Debalkew Berhe oo ahaa madaxa mashruuca deegaanka ee IGAD iyo mohamed habane oo ah madaxa Qaybta warfaafinta ee IGAD.”

COMMENTS
Latest News