Saxilnews.com
Wasiirka Diinta Iyo Awqaafta Somaliland Oo Bulshadda Baaq Mihiima U Diray Iyo Waxaa Uu Ku Aadan-Yahay
June 16, 2017 - Written by suxufi

Hargeysa(Saxilnews)Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Ibraahim Axmed ayaa bulshadda reer Somaliland u diray baaq ku aadan tobonka dambe ee bisha barakaysan ee ramadaan.

Wasiirka ayaa waxaa uu bulshadda ugu baaqay in ay ka faa,idaystaan khayrka iyo xasanaadka ku jira habeeka laylatu-qadriga oo dadku isa-saamaxaan lana yimaadaan quraan akhris, sadaqo bixin, iyo masaajidada oo ay camiraan xiliyadda taraawiixda iyo taajudka.

Wasiirka yaa gabagabadii shacabka eebe ugu baryay in sanadka sanadkiisa bash-bash iyo barwaaqo ku gaadhsiiyo.

COMMENTS
Latest News