Saxilnews.com
WASIIRKA CUSUB EE WAXBARASHADA OO KA HADLAY WAX KA BEDDEL UU MADAXWEYNUHU KU SAMEEYAY MAGACA WASAARADDA
December 21, 2017 - Written by editor

Hargeysa(saxilnews)-Wasiirka cusub ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska ee Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), ayaa Shalay Xilka Wasaaraddaasi kala wareegay Wasiirkii hore Cabdillaahi Ibraahim Habbane (Cabdillaahi-dheere).

Wasiir Faratoon oo hore u ahaa Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, ayaa khudbad uu ka jeediyey Munaasibaddii uu Xilku kula wareegay kaga hadlay Magaca Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare oo Madaxweynaha cusub u bixiyey “Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska”.

Warka Wasiir Faratoon

Wasiir Faratoon oo u jawaabayey Dad su’aalo ka keenay waxa Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare loogu beddelay “Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska’, ayaa yidhi “Dad baa ka fikiray Sababta Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare loogu beddelay ‘Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska’, markaa waxaan doonayaa sababta uu Magacaa cusub ku yimid inaan wax idiinka sheego, Tacliinta inteeda hore illaa Dugsiga sare, Ardayda waxa la siiyaa waa Xog iyo Tilmaan iyo inuu Adduunka la qabsado, wixii intaa ka dambeeya Jaamacad Macnaheedu waa Cilmi-baadhis, Saynis-na waa Cilmi, markaa Sayniskan (Magaca Wasaaradda lagu soo daray) wuxuu ka hadlayaa waa Jaamicadihii, waa wixii ka sareeyay Dugsiga sare oo Cilmi baadhis la xidhiidha, sababta ay ku timid Kalmaddani waa sidaas.”

 

COMMENTS
Latest News