Saxilnews.com
WASIIRKA ARIMAHA GUDAHA OO SAAKA SAFAR UGU BAXAY GOBALKA SOOL
September 6, 2016 - Written by Abdisalaan Harir

 

Hargeysa (SaxilNews):- Wasiirka wasaarada arimaha gudaha Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir Faratoon ayaa waxaa  uu saaka safar ugu baxay gobalka Sool gaar ahaan magaalada Laascanood .

Safarka wasiirka ayaa waxaa  ku soo beegmayaa xili laba maalin ka hor ay magaalada Laascanood ka dhaceen  Rabshado  kooban oo dhex maray ciidamada Booliska iyo dadka magaladaasi ku nool taasi oo ay k dhinteen Hal qof .

Jawiga magaalada Laasacnood ayaa shalay ilaa maanta aad u degan  balse wasiirka ayaa a filayaa in u jeedkiisu yahay sidii loo soo dhameyn lahaa xurgufta dhawaan halkaasi ka dhacdey

COMMENTS
Latest News