Saxilnews.com
Wasiir Maxamuud Xaashi Oo Lacagihii Ugu Badnaa Ku Bixinaya Warar Been Abuura Ah Oo Laga Faafinaayo Am Baashe Cawil + Khilaaf Ka Dhextaagan.
March 17, 2017 - Written by Siciid dalmar

Wasiir Maxamuud Xaashi Oo Lacagihii Ugu Badnaa Ku Bixinaya Warar Been Abuura Ah Oo Laga Faafinaayo Am Baashe Cawil + Khilaaf Ka Dhextaagan.

Warar Xogogaala Oo Ay Helayso Shabakada Saxilnews.com Ayaa Sheegayaa Inuu Wasiir Maxamuud Xaashi Cabdi Uu Lacagihii Ugu Badnaa Ku Bixinayo Boro-bogaandho Iyo Dacaayado Raqiis Ah Oo laga Faafinaayo Safiirka Somaliland Ufadhiya Dalka Imaaradka Carabta Mr Baashe Cawil Jaamac

Ka Dib Markii Khilaaf Xoogani Soo Kala Dhexgalay Wasiir Maxamuud Xaashi Iyo Safiirka Somalilnd Ee Wadanka
Imaaradka Carabta Mr Baashe Cawil Khilaafkas Oo La Xidhiidha Heshiisyadii La-la Galay Dawlada
Imaaradka Ee Wareejinta Dekeda Berbara Iyo Saldhiga Melitari Ee Imaaradka Laga Siiyey Magalada Berbera

Waxaa Iyana Meesha Ka Madhnayn Talada Hogaanka Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Dabadii Oo Uu Wasiir Maxamuud Guclo Orad Ugu Jira Sidii U hanan lahaa Gacantana Ugu DhigiLahaa Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye.

Ariman Isbiirsaday Waxay Soo Ifbaxeen Kabib Markii Wasiirkii Hore Ee Arimaha Dibada Dawladii Madaxweyne Riyaale Maxamed C/laahi Dhoolayare Uu Ka Agdhawaaday Xukumada Iyo Xisbiga Talada Dalka Haya
Ee Kulmiye Islamarkaasna Uu Isfahan Dhexmaray Safiirka Somaliland Ee Imaaradka Baashe Cawil ,Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ,Madaxweyne Silaanyo Iyo Sidoo Kale Marwada Qaranka Somaliland
Waxaana Arintaasi Sas Iyo Welwel Ka Qaaday Wasiir Maxamuud Xaashi Oo Ay Iskaga Isku Deegaanka Ka Soo
Jeedan Mr Dhoolayare Kana Baqaaya Inay Godmadaw Ku Dhacaan Himilooyinka Uu Higsanaayey Wasiir Maxamuud Xaasi Ee Ay Ka Mid Ahaayeen Gudoomiyaha Kulmiye Muuse Dabadii ,

Xogaha Aanu Helayno Ayaa Intaasi Ku Daraaya In Wasiir Maxamuud Xaashi Cabdi Uu Bilaabay Kacdoon Siyaasadeed Oo Uu Kaga Soo Horjeeda Safiirka Samililand Ee Imaaradka Waxaanu Wasiirku lacagihii
Ugu Badnaa Ku Bixiayay Warar Aan Sal Iyo Raad Toona Lahayn Oo Lagu Faafiyey Qaar Ka Mid Ah Warbaahinta

Oo Wax Laga Sheegaayo Ambassador Baashe Cawil Kuwaasi Oo Ay Ka Mid Yihiin In Baashe Lunsaday Qayb kamida Lacagaha Ka Soo Xerooday Heliisyada Xukumaadu Lagashay Dalka Imaaradka Sidoo Kalena Uu La Guurdasay Gabadha Uu Qabo Ee Madaxweyne Silaanyo Uu Dhalay Arimaahaas Oo Guud Ahaaba Aanay Waxba Ka Jirin.
Sikastaba Ha Ahaatee Waxaa La Filaayaa Inuu Wasiir Maxamuud Xaashi Ka Mid Noqdo Wasiirada Ay Qaadato Isku Shandhaynta Madaxweyne Silaanyo Ee Mudooyinkii Ugu Danbeeyey Ay Hadal Haynteedu Taagnayd Iyadoo
Bedelkiisana La Saadaalinaayo Inuu Noqdo Wasiirkii Hore Arimaha Dibada Dawladii Riyaale Mr Maxamed C/laahi Dhoolayare.

Sources Gebogebonews.com

COMMENTS
Latest News