Saxilnews.com
Wasiir Ka Tirsan Xukumadda Siilaayo Oo Albaabka Gurigiis Hoosta Ka Soo Xidhay, Ergadii Oo Uu Diiday + Waxaa Madaxtooyadda….
March 19, 2017 - Written by suxufi

Hargeysa(Saxilnews):-  Wasiirka wasaaaradda madaxtooyadda Somaliland ayaa Cadho kaga maqan xafiiskiisa ka dib markii ay khilaaf soo kala dhex galay isaga iyo qoska madaxwayne siilaanyo waxaana wararku sheegayaa in wasiir maxamuud xaashi loo diray Ergo balse wasiirku uu qaarna xaqiiqda ka wadda hadleen una sheegay  waxaa uu saluugsan yahay halka kuwa kale ee uu ka xan-qarsanayona uu u sheegay in uu xanuusanayo oo uu Hargab xuni ku dhacay waa sidda uu ku qanciyay wasiirku Ergadee.

Todobaadyaddii ugu dambeeyay waxaa soo shaac baxayay warar sheegaya in wasiir maxamuud xaashi oo ah wasiirka ugu awooda badan xukumadda siilaayo iyo wiilka uu madaxwayne siilaanyo sodoga u yahay ee Baashe Cawil uu khilaaf soo kala dhex galay halka wararku intaasi ku darayaan in Marwadda Madaxwaynahuna dhinaca saartay Baashe.

Khilaafkan ayaa waxaa uu ka abuurmay Wareejinta Saldhiga Barbara ee lagu wareejinayo Imaaraatka Carabta.

Warar kale ayaa  sheegaya in khilaafku salka ku hayo xidhiidh ka dhexeeya wasiirka iyo faysal cali waraabe oo xisbiga Ucid ku wareejinaya taasna ay madaxtooyadu dhibsatay

Wali ma jirto wax war ah oo labada dhinac si toosa ugu soo baxay.

Xigasho:-Hangoolnews

COMMENTS
Latest News