Saxilnews.com
WASIIR CALI MAREEXAAN OO SADAQADA SAWIR KU DOONAYA IYO CEEBTA KA RAACDAY BURCO OO CIRKAA MARAYSA.
June 4, 2017 - Written by Siciid dalmar

 

Wasiirka Hawlaha Guud Oo Sameeyey Dedaal Iyo Karti Dheeraad ah Isla Markaasna Gurmad U Sameeyey Dadka Xanuunka Shubanku Ku Haleelay Magaalada Burco  Oo Uu Diyaarad Daawooyin ah Ugu Deeqay Ayaa Hadana Waxa Uu Iska Maydhay Guud ahaan Xurmadii Iyo Karaamadii uu Ka Helay Magaalada Burco Isaga Oo Sadaqadaasi Sawir La’aan Bixin Waayey.

Cali mareexaan waa la ogaa inuu Diyaarada Isagu Soo Bixiyey Balse waxa Uu Ka Gubtay Dhawaaq Ka Soo Yeedhay Wasiirka Caafimaadka Oo Ahaa Inay Diyaarada ay Haayadi Keentay Kaas oo si weyn u taabtay cali xasan maxamed Jiif Iyo Joogna U Diiday.

Arrintan ayaa ka yaabisay Dadka Aqoonyahanka iyo waxgaradka ah Ka Dib Markii Cali Mareexaan Dib U Soo Abaabulay Inay Mar kale warbaahinta Ka Sheegaan Wasiirka Caafimaadka Iyo Maayirka Magaalada Burco Oo Raaligelin Uu Ku Soo Qasbay Cali Mareexaan Dibna Ay Magaciisa Ugu Sheegaan Dawadaasi.

Cali Mareexaan Ma Qarsoona Waxa uu yahay Balse Qiimihiisa Markasta Isaga ayaa Qoqobgeliya Oo Qoorta Iska Lula Wax Uu Ku Qiima Dhacaayo Taasi oo Cadaynaysa Siyaasadiisa Aan Cagaha Dhulka Ku Hayn Ee Ciir ciiraysa Kuna Salaysan Ciil Baxa Xirsi Cali Xaaji xasan Uu Ku Cariigsanaayo.

 

COMMENTS
Latest News