Saxilnews.com
Wasiir Cali Mareexaan Oo Qorshaynaya Inuu Xaraasho Dhul Ku Yaala Barxada Hore Ee Carwada Hargaysa
July 4, 2017 - Written by suxufi

Hargaysa(Saxilnews)- Bulshadda Somaliland ayaa si weyn u hadal haysaa waxqabad la’aanta Wasiirka hawlaha guud Cali mareexaan  ku fashilmay dhameystirka iyo dayac tir uu ku sameeyo Waddooyinka dalka, waxanu Gudashadda shaqadiisa kaga mashquulay boobka hantida umada iyo dhulka dadka danyarta ah  Isaggoo dhaqaalihii dalka lagu dhisaayey u adeegsaday dano Siyaasadeed isaga oo ka faa,idaysanaya awooda uu qaranku siiyay ayaa waxaa uu cadaysatay boobka dhulka danta guud iyo dhulka dadka danyarta ah ay ku jiraan ayaa waxaa qorshaynaa inuu xoog kula wareego dhulkii barxada hore ee carwada hargaysa oo ka danbeeya tiyaatarka wayn ee hargaysa isagoo adeegsanaya awood dawladeed iyo mid ciidanba waxaa uu doonyaa inuu la wareego dhulkaa sida ay noo xaqiijiyeen dadka ku ganacsada ee meheradaha kule ay noo sheegeen in wasiir cali mareexaan uu ugu hanjabay dadkaa danyarta ah in ay isaga baxaan oo ay alaabtooda ka uruursadaan goobtaa.

Dadka danyarta ah eek u hareeraysan ayaa cadho xoogan ka muujiyay tacadiga iyo boobka uu ku hayo wasiir cali mareexaan waxaanay sheegeen in aanay ka guurayn dhulkaas iyagoo dadkaa danyarta ahi ay u soo xadhka xidheen sidii ay u difaaci lahaayeen oo ay isaga cabin lahayeen wasiir cali mareexaan iyo ciidan tiro badan oo uu watay.

Ugu Danbayntii maaha markii u horaysa ee wasiir cali mareexaan uu ku kaco falkaa waxaana jira dhulal badan oo ay ku jiraan dadka danyarta ah uu boobo isagoo kaga faa,idaysanaya awooda xukuumada waxaana muuqata in wasiir cali mareexaan uu maalin walba uu boob cad ku hayo dhulka dadka danyarta ah iyo dhulka danta guud isagoo waliba hantida umada la doonaya dad ay qaraabo dhow yihiin

 

 

COMMENTS
Latest News