Saxilnews.com
Wasiir Cali Mareexaan Oo Door Laxaad Leh Ka Qaatay Gurmadka Abaaraha Gobolada Bariga
October 29, 2016 - Written by Abdisalaan Harir

Burco(Saxilnews)-:Wasiirka hawlaha guud iyo guryaynta somaliland cali xasan maxamed(cali mareexaan) ayaa ah masuul ka soo dhalaalay xilkii loo doortay ee wasiirnimo isagoo waliba bara dheereeyay mudo yar oo uu ku sugnaa wasaarada wax qabadkiisa oo sida qoraxad usoo baxay.

Wasiirka hawlaha guud cali xasan maxamed ayaa ah masuul kalsooni ka qaba shacabkiisa waxaana baryaha Soo badanaaya dad dano gaar ah leh oo websiteyada qaar kood been kaga sheekaynaa taas oo aan sal iyo raadtoona lahayn oo runta iyo xaqiiqa ka fog waana dacaayado aanay waxba ka jirin oo umadu ka wada dharagsantahay.website ka hore xukumada ugu adeegi jiray ee yarka saxada saxafada ka dhacay uu wax ku malmaluuqo ee somalilandtoday ayaa bilaabay cay aflagaado iyo been uu wasiirka ka qoraayo taas oo ah cadho ka kacday shaqadii tvga qaranka oo uu xukumadu ka caydhisay.

Abaaraha ka jira bariga somaliland ayaa wasiir cali mareexaan gurmad gaadh siiyey isagoo looga bartay inuu marwalba aad u caawiyo bulshada danyarta ah iminka iyo markiii hore ee uu xildhibaanka ahaaba.Dhawaan ayey ahayd markii uu wasiir cali mareexaan gaadh siiyay booyado biyaa deegaamada bariga somaliland gaar ahaan gobolada buuhoodlee sanaag oodwayne saraar iyo togdheerba.

Wasiir cali mareexaan waxaa uu  ku suntanyahay wax qabad bulshada reer somaliland oodhan uu u muujiyey gaar ahaan gobolada bariga oo uu ahaan jiray xildhibaanka kaliya ee ka soo baxay ee dadkiisi soo doortay wax u qabtay.Waliba waxaa uu ku sii daray gobolo iyo deegaamo badan oo aan laga soo dooran inuu baabuur u qaybin jiray isagoo tusaaya in shacabka reer somaliland isugu mid yihiin.

COMMENTS
Latest News