Saxilnews.com
WASAARADA WAXBARASHADU WAXA AY KU FASHILANTAY MIDAYNTA MANHAJYADA KALA DUWAN EE DALKA KA SOCDA‏
December 2, 2015 - Written by admin

WASAARADA WAXBARASHU WAXA AY KU FASHILANTAY  MIDAYNTA MANHAJYADA FARAHA BADAN EE  GOOBAHA WAXBARASHADA KA SOCDA.

Waxa dalka Somaliland guud ahaan iyo gaar ahaan caasimada Hargeisa ku arkaysaa Canadian school,Turkish school,East african school,Qatari school,Suudani School,Emirati school,Brithis school, iskuuladani magac shisheeye oo qudha ma sitaan balse waxa ay raacaan manaahijta dalalka ay magacooga la baxeen,maadooyinka taariikhdana si wayn ayay uugu kala duwan yihiin.

Hadaba bal ka waran arday dal wax kuwada baranaysa oo hadana ku kala duwan aqoonta maadooyin faro badan sida taariikhda iyo arrimaaha bulshada. Bulshadaa isfahankeedu siduu noqon karaa,balse maxaa la odhan karaa ilbaxnimadooda iyo aragtidooda nolaleed maxay ku salaysan tahay.

Wasaaradii waxbarashada waxa ay si xun ugu fashilantay in ay arrimahan wax ka qabato,balse iska daa in ay wax ka qabatee waxa ay  u daba fadhiisatay iskuuladii ay iyadu kaantarooli lahayn waxa ay dhigayaan,iyagoo arrinkoogu noqday af wax cunay xishoo.

Marka laga tago waxbarashada hoose,dhexe,iyo sare,waxa iyana mushkiladii ka jirtaa waxbarashadii sare oo iyadana manaahij dalal kale lagu dhigayo,haday tahay dalalka geeska africa,dalalka carabta,dalalka eeshiya iyo IWM. Soomaalidu horay uugu maahmaahday alif faataxada kaaga xumaaday albaqra kaagama hadho,waa run nidaamka waxbarashadu waa silsilad  ay tahay in ay xidhiidhsanaanto.

Gudidii tacliinta sare ee Siillanyo ka buuxiyay dadka hawlgabka ah,iyana maalintii la magacaabay ayaa warkooga inoogu danbaysay.

Waxa kaloo khalad wayni ka jiraa qaabka loo kala saaro iskuulada  safka hore galay iyo waliba ardayda kaalmaha hore gashay oo ah qaab aan  cadaalad ku dhisnayn,gudi madaxbanaan oo siyaasad iyo dano dhaqaale ka madax banaani aanay jaangoyn.

WAAD MAHADSANTIHIIN

KAAHIN ARDAALE

COMMENTS
Latest News