Saxilnews.com
WASAARADA CIYAARAHA SOMALILAND OO KU DHAWAAQDEY WAKHTIGA LA BILAABI DOONO WAREEGII LABAAD EE CIYAARAHA GOBALADA DALKA +GOBALADA KA QEYB GALI DOONA
September 15, 2016 - Written by Abdisalaan Harir
Hargeysa (SaxilNews):- Masuulyiinta wasarada ciyaaraha Somaliand  oo maanta warbaahinta kula hadley  xarunta wasaarada ayaa waxaa ay si rasmi ah u shaaciyeen  wakhtiga la bilaabi doono wareegi labaad ee tartanka ciyaaraha gobalada Somaliland oo wajigii hore   lagu soo gobo gabeeyey  gobalka Awdal

 

Masuulyiintan ayaa waxaa ay sheegen in wareega labaad ee tartankaasi uu  bilaabi doono 27.10.2016  isla markaana uu ka qabsoomi doono caasimada Hargeysa

Sidoo kale waxaa ay masuulyiintani ay sheegen in ay ka soo qeyb gali doonan tartankaasi 8 Gobol oo ku soo baxay  tartanka kubada cagta kala ahna gobaladan .

Gobalka Hawd , Gobalka Sool , Gobalka  Sanaag , Gobalka Xaysimo , Gobalka Daadmadheedh , Gobalka Awdal , Gobalka Gabilay iyo Gobalka Saaxil.

Dhinca  kale tartanka kubada kolayga waxaa ka soo qeyb gali doona Sideed gobol ee kala ah Gobalada  Maroodi-Jeex, Awdal , Gabilay , Hawd , Saaxil , Togdheer, Daadmadheed iyo Sanaag

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan 

COMMENTS
Latest News