Saxilnews.com
Warsaxaafadeed-Wasaarada Duulista Ayaa Kulan Wadashaqayneed La Yeelatay Iibiyayaasha Tigidhada Diyaaradaha (Travel Agency)
March 7, 2017 - Written by admin

HArgaysa (Saxilnews.com)-Wasaarada  Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka iyada oo ka duulaysa wada shaqayanta ay la leedahay  Masuuliyiinta Xafiisyada iibiya tigidhada Diyaaradaha (Travel Agency) iyo la socodka adeega ay siiyaan Dadweynaha, ayey maanta kulan saacado qaatay isugu yeedhay Masuuliyinta Xafiisyadaas.

Kulankan oo uu furay Wasiirka Wasaarada Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Farxaan Aadan Haybe, isla markaana ay goobjoog ka ahaayeen Agaasimaha Guud ee Wasaarada Duulista Cumar  C/laahi Aadan, Agaasimaha Waaxda Duulimaadyada , Agaasimaha Waaxda Amniga Agaasimaha Waaxda Qorshayanta, Agaasimaha Waaxda Mashaariicda, iyo Masuuliyiinta Travel Agency-yada, waxaa lagaga wada hadlay sidii loo tayayan lahaa adeegyada ay bulshada u fuliyaan Xafiisyadaasi , iyo in ay wada shaqayan buuxda la yeeshaan Wasaarada Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka.

Waxa kale oo kulankan la iskula soo qaaday suurto gal nimada in uu yimaado xisaabtan, si loo helo Travel Agency buuxinaya baahiyaha bulshada, iyo sidii loo ilaalin lahaa xuquuqda Dadka Tigidhada goosanaya ee Muwaadiniinta iyo Ajaanibkaba ah, iyo sidoo kale in Travel Agency-yadu ay la dagaalamaan Tahriibka kana hortagaan.

Waxa iyana kulankan lagu gorfeeyay sidii Travel Agency-yadu gacan uga siin lahayeen Hay’adaha  Amniga Dawlada Shaqadooda, iyaguna ilaaliyaan Amniga Madaarada iyo Diyaaradaha.

Ismaaciil Cali Axmed

Afhayeenka Wasaarada Duulista Hawada

iyo Gaadiidka Cirka Somaliland

Tel: 063 4424571

Email: publicmedia@gmail.com

Email: prm@mocaat.com

Wab: Somalilandaviation.com

Facebook: https://www.facebook.com/mocaatsomaliland/

 

COMMENTS
Latest News