Saxilnews.com
War:Midaw Dhallinyaro gilgilay baraha bulshada iyo dareenada ku xeeran0p
April 20, 2017 - Written by admin

Hargaysa (Saxilnews.com)-Midaw xoogan oo isbeddeldoon ah baa tan iyo arbacadii shalay haystay baraha bulshada ee lagu kulmo. In kasta oo aan la garanayn ujeeddada, haddana sawiro iyo qoraalo badan oo Dhaqdhaqaaqan fasiraya ayaa u yaala qaab olole ah oo ku suntan isbeddel raadis dhinaca nidaamka dawladnimo ah oo lagu sheegayo in ay fikradan ka dambeeyaan badi aqoonyahanka iyo dhallinyarada reer Somaliland.

Midawga Isbeddeldoonka ayaa waxa wada aqoonyahan reer Somaliland ah oo dalka gudihiisa iyo dibadiisaba jooga sida lagu sheegay qoraal lagu baahiyey baraha bulshadu ku kulanto oo Facebook ugu horeeyo “Midawga isbeddeldoonka ah (Union for change) waxa abuuray aqoonyahan reer Somaliland ah oo ku dhaqan lixda gobol iyo qurbaha” ayey qoraalkooda ku sheegeen dhallinyaradani.

Midawgan ayaa aaminsan in Somaliland u baahan tahay dan qaran, iyaga oo xusay in Somaliland ku burburayso xukumaad iyo hoggaan lagu doorto qabyaalad. Waxa aanay ku baaqayaan in dib u sixid iyo jihayn lagu sameeyo mustaqbalka jiilka maanta jooga iyo kuwa soo socdaba.

Ololahan ayaa sida ay sheegeen aan ahayn cidlo-ka-wareer ee ay rabaan inay jihayn iyo talo ka gaystaan nidaamka dawladnimo ee Somaliland iyaga oo sheegaya in ay qabyaaladu ku tahay bar madaw “Waxa aannu aaminsannahay in Somaliland mustaqbalkeeda iyo jiilka maanta jooga mustaqbalkoodu u baahanyahay jihayn, cida jihayn kartaana tahay nidaamka dawladnimo oo la saxo lagana nadiifiyo nidaamka qabyaaladeed” ayey fariintooda ku sheegeen aqoonyahankan iyo dhallinyaradani.

Si kasta oo ay tahay fariintooda inta ugu dambaysa ayaa laga dhadhansanayaa in ay rabaan wax ka bedel ku dhisan qabyaalad ka carar iyaga oo ay u muuqato in ay nidaamada jira ee hirdanka siyaasaddeed ee dalka ka aloosan ay rabaan in ay sixitaan ka geystaan.                                                           Www.saxilnews.com

COMMENTS
Latest News