Saxilnews.com
Wariye Barkhad Cumar Ahmed oo ah wakiil wareedka tv-ga Somaliland ayaa lagu dhex-qaraacay barxadda dawladda hoose ee degmada
January 31, 2017 - Written by admin
Wariye Barkhad Cumar Ahmed oo ah wakiil wareedka tv-ga Somaliland ayaa lagu dhex-qaraacay barxadda dawladda hoose ee degmada laascaanood,gaar ahaan waxaa jirdilka u geystay ilaalada maayarka degmada laascaanood Cabdicasiis Xuseen Taarwale. Jirdilka loo geystay Wariye Barkhad cumar Axmed waxay fariin u tahay wariyayaashamadaxa banaan ee doonaya soo bandhiga halka ay marto mashaariicda iyo cashuuraha dawladda hoose qaado Dawladda hoose ee degmada laascaanood oo maalmihii u dambaysay maamulayaasheeda isla fahmi waayeen qaabka ugu macquulsan ee loo xado cashuuraha iyo mashaariicda NGO-yada,maadama ay ku cusub yihiin shaqadda dawladda hoose maayarka iyo xoghayaha. Dhaawaca wariyaha ayaa ah mid halis oo Qoriga liifkiisa ayaa looga dhuftay madaxa iyadoo uu sameeyay dalool lafta hoosena la sheegay inay wax gaadhay
War Deg Dega:Wakiil Wareedkii TVGA QARANKA Somaliland Ee Magaalada Laascanood
WWW.SAXILNEWS.COM

COMMENTS
Latest News