Saxilnews.com
Warbixin Sheegtay In Xukuumada Madaxwayne Siilaanyo Tahay Tii Ugu Musuqa Iyo Qabyaaladda Badnayd Ee Dalka Soo Marta Iyo Doorka Qoyskiisa Ee Talada Dalka
November 2, 2017 - Written by Abdisalaan Harir
Hargeysa (Saxilnews):- Warbixin ay soo saareen laba xarumood oo caan ka ah qaaradda Afrika ayaa lagu sheegay in xukuumadda madaxwayne Siilaanyo noqotay xukuumaddii ugu musuqa iyo qabyaaladda badnayd ee soo marta Somaliland.

Warbixintan oo bishan Aktoober ee dhamaatay ay soo saareen labada xarumood ee Academy For Peace and Development(APD) oo xaruntiisu tahay Somaliland iyo The Institute For Securituy Studies (ISS) oo ah machad caan ah oo xarumo badan ku leh Koonfur Afrika,Itoobiya,iyo Kenya ayaa si wayn loogu faaqiday doorashada madaxtooyada Somaliland.

Warbixintan oo ku qoran luuqada Ingiriisiga oo ay wada jir u diyaariyeen Cumar S Maxamuud iyo Maxamed Faarax oo ka tirsan labada xarumood ayaa ka sokow doorashada madaxtooyada somaliland waxay faaqiday sababaha ay doorashadani muhiim ugu tahay shacabka somaliland,iyaga oo tilmaamay dhaliilaha dul hoganaya xukuumadda madaxwayne Siilaanyo,warbixintan waxa lagu yidhi.

“Xukuumadda Siilaanyo waxa si wayn loogu dhaliilay in ay madax ka tahay maamul ah kii ugu masuq-maasuqa iyo qabyaaladda badnaa ee abid soo mara Somaliland”ayay tidhi warbixintani oo intaasi raacisay “Siilaanyo isaga laf ahaantiisa xaaladiisa Caafimaad may fiicnayn inta badan ee mudadii uu xilka hayay,taas oo horseeday in qoyskiisu talada uga muuqdo si aan hore uga dhicin siyaasadda Somaliland”.

Warbixintan oo tilmaamaysa meelaha qoyska madaxwaynuhu inay dalka ka arrimiyaan waxay tidhi.

“Hawl gudasha xukuumadda waxa lagu arki kara heshiiska muranka badan dhaliyay ee Imaaraadka Carabta,Labada dhinac waxa uu heshiisku uga muuqday arrin qoys,waliba waxa intaa dheeraa warwarka laga qabay in heshiisku aanu ahayn mid daah furan oo tusaale ahaan aan la shaacin heshiiska labada dhinac dhex maray ee khuseeya saldhiga Milateri”.

Warbixintani waxa kale oo aad ugu dheeraatay nidaamka qabyaaladeed ee ay doorashada madaxtooyada Somaliland ku salaysan tahay iyo sida ay murrashaxiintu ugu tartamayaan inay hantaan kalsoonida beelaha Smaliland.Warbixintan oo aad moodo inay hoos ugu daadagtay Beelaha somaliland iyo saamayntooda siyaasadeed ayaa waxa ay Is waydiinaysaa in murrashax Muuse Biixi Cabdi oo kasoo jeeda xisbiga KULMIYE uu kursiga xejisan doono iyo in Faysal Cali Waraabe Iyo Cabdiraxmaan Cirro oo kasoo kala jeeda WADDANI iyo UCID ay kursiga madaxtinimada dalka kusoo ruqaasan doonaan.

Warbixintu waxa kale oo ay soo bandhigtay arragtiyaha saddexda murrashax ee KULMIYE,WADDANI iyo UCID ay ka aaminsan yihihiin afarta qodob ee kala ah dib u habaynta siyaasadda,dhaqaalaha,wada hadalada Somaliland iyo Somaliya iyo waliba mashruuca dekeda Berbera iyo heshiiskii saldhiga Milateri ee Berbera.

COMMENTS
Latest News