Saxilnews.com
WARBIXIN: Barcelona Oo Qaadaysa Talaabadeedii Ugu Dambaysay Ee Ay Ku Heli Kartay Philippe Coutinho & 5 Xiddig Oo Ka Caawin Doona
December 29, 2017 - Written by editor

Kooxda Barcelona ayaa doonaysa in ay ku dhaqaaqdo dalaabadeeda ugu dambaysa ee ay ku heli karto saxiixa xiddiga kooxda Liverpool ee Philippe Coutinho xilli suuqa kala iibsiga January inaga xigaan laba maalmood.

Barcelona ayaa isku dayi doonta in ay 5 xiddig iibiso si ay Philippe Coutinho u hesho sida laga soo xiganayo wararka ka imanay Gobolka Catalonia.

 

Xiddiga reer Brazil ayaa ah bartilmaaeedka Barcelona ee suuqa kala iibsiga laakiin waxa ay u baahan yihiin in ay iibiyaan xiddigo si ay u bixiyaan lacagta lagu heli karo xiddiga ee dhan 125 milyan euro xilli ay 3 bisha go,aan ka heli doonaan mustaqbalka xiddiga.

Wargayska Sport ayaa sheegaya in ay kooxda Barcelona 5 xiddig tusi doonto albaabka si ay boos iyo waliba lacag fiican ugu hesho xiddiga reer Brazil.

Javier Mascherano ayaa ka tagi doona Camp Nou waana khasaaraha ugu weyn ee ay wajihi doonto maadama uu xiddigu 3 champions league kula guulaystay iyo 4 hoyaalk 7 sano iyo bar uu joogay.

Waxa la fahamsan yahay in uu heshiis la gaaray koox ka dhisan dalka shiinaha oo lagu magacaabo Hebei Fortune laakiin waxa uu kaliya kooxda ka tagi doonaa marka uu Samuel Umtiti dhaawaca ka soo kaco.

Waxa sidoo kale kooxda ka tagaya Gerard Deulofeu kaas oo aan shaxda kooxda ka mid ahayn inkasta oo uu dhaawacan yahay xiddiga Ousmane Dembele.

Kooxda Inter Milan ayaa amaah ku doonaysa ilaa iyo inta uu heshiiskiisu ka dhamaan doono kadib amaah cajiib ah oo uu xilli ciyaareedkii hore la qaatay kooxda Ac Milan.

Sidoo kale daafaca Aleix Vidal ayaa xor u ah in uu isaga tago kooxda xilli kooxaha Sevilla iyo Atletico Madrid ay xiiso u qabaan adeegiisa.

Rafinha oo dhawaan dhaawac halis ah ka soo laabtay ayaa sidoo kale u baahan in uu isaga tago Barcelona si uu u helo koox uu ugu dagaalami karo fursadiida koobka adduunka.

Ugu dambayn xiddiga reer Turkey ee Arda Turan ayaa isna albaabka la tusi doonaa maadama ayna kooxdu gabi ahaan doonayn in uu kooxda sii joogo

COMMENTS
Latest News