Saxilnews.com
Wararkii Ugu Danbeeyey Weerarkii Xalay Ay Al-Shabaab Ku Qaadey Laba Hotel Oo Ku Yaala Magaalada Moqdisho Iyo Dhimashada Oo Sii Korodhey + Sawiro 
June 15, 2017 - Written by Saki Adam Suxufi

Moqdisho (Saxilnews):- Meydad hor leh ayaa saaka laga soo saaray Maqaayadda Pizza House oo xalayay weerareen dabley hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab, iyadoo howl gal qaatay 11 saacadood kaddib ay ciidamada ammaanka ku guuleysteen in goor dhow oo saaka ah ay soo afjaraan.

Image may contain: 1 person, sitting and outdoor

Meydadka illaa lix gabdhood ah oo afar ka mid ah ay wada dhasheen la sheegay in saddex ka mid ah ay dhinteen, halka mid kale oo dhaawac ah laga soo saaray qol ay ku jireen oo dableyda hubeysan ay bam ku tuureen xilli ay ku dhuumaaleysanayeen.

Sidoo kale meydka nin Suuriyaan ah oo ka shaqeynayay maqaayadda ayaa isna lagu arkay qeybta Kushiinka ee maqaayadda.

Image may contain: one or more people

Image may contain: sky, house and outdoor

Saraakiisha laamaha ammaanka ayaa sheegay inay dileen shan ka mid ah dableydii hubeysneyd ee weerarka ku qaaday maqaayadda.

Waxaa kaloo ku dhintay saddex ka mid ah ciidamada ammaanka ee ka qeyb qaadanayay howl galka ka socday maqaayada.

Tirada dadka dhintay maqaayada ayaa gaareysa illaa 25 ruux oo ay ku jiraan dableydii weerartay, sida uu xaqiijiyay wariye ka tirsan Idaacadaha Muqdisho.

Image may contain: outdoor

Ilo dhinaca ammaanka ayaa xaqiijinaya in dableydii weerartay ay qaldeen bartilmaameedka weerarkooda oo markii hore ahaa Maqaayadda Posh Treats oo ah maqaayad lagu caweeyo, hase ahaatee markii uu qaraxa dhacay ayaa waxay gudaha u galeen maqaayad ka soo horjeeday oo lagu magacaabo Pizza House oo ah meel ay dhalinyarada u dalxiis tagaan, isla markaana la isku sawiro goobo aad u qurux badan oo ay leedahay maqaayadda.

Image may contain: one or more people and people standing

Qaraxa is miidaaminta ee lala beegsaday labada maqaayadood ee iska soo horjeeday ayaa isku mid waxaa uu u soo gaaray khasaare aad u xooggan, waxaana dhismayaasha labada maqaayadood ka muuqday bur bur aad u xooggan.

COMMENTS
Latest News