Saxilnews.com
Wararkii Ugu Danbeeyey Ee Magaalada Burco:- Xaaladda Burco Oo Laga Dayrinayo+Dadka Uu Soo Ritey Xanuunka Shuban Biyoodka Oo Isa Soo Tarayey
June 5, 2017 - Written by admin

Burco (Saxilnews.com)-Wararka naga soo gaadhaya magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer ayaa waxay sheegayaan in xaaladda magaalada Burco ay 24-kii saacadood ee u danbeeyey laga dayrinayo isla markaana ay isa soo tareen dadka uu soo ridanayo xanuunka Shuban Biyoodku ee ku sugan magaalada Burco.

Waxaana wali socda gargaar deg deg ee lagula tacaalayo xanuunka Shuban Biyoodka isla  markaana lagula dagaalamayo sidii looga hortagi lahaa faafitaankiisa,waxaana 24-kii saacadood ee u danbeeyey aad isku soo tarayey dadka uu soo ridanayo xanuunka Shuban Biyoodku oo u badan caruur iyo waayeel.

Xalay magaalada Burco waxa la galiyey xaalad deg deg ah,waxaana heegan culus la galiyey dhaqaatiirta ku sugan xarumaha caafimaad ee loo sameeyey in lagu dabiibo dadka uu soo ritey xanuunka Shuban biyoodka,waxaana xalay sida ay wararka nasoo gaadhayaa ay sheegayaan bulshada magaalada Burco lasoo darsay warwar iyo baqdin ay ka qabaan xanuunka Shuban Biyoodka,waxaana dhagaha Bulshada Burco xalay barjeeyey oo ku batay dhawaaqa, qaylada iyo dhiilada wata ee Gawaadhida  gargaarka deg deg ah ee Amblance-ka oo guraya dadka uu shubanku soo ritay oo laga soo daadguraynayo xaafadaha magaalada Burco.

Gaadiidkan Ayaan xalay mar ka fadhiisan Burco iyaga oo xaafad kaste oo Burco kamid ahna xalay laga maqlayey dhawaaqa qayladiisa ay dhaliiladu ku ladhan tahay,sidoo kalena waxa gawaadhidaasi la socda oo heegan ah ku ah dhaqaatiir iyo kalkaaliyayaal caafimaad oo qofka inta lagu soo wado goobta caafimaadka ee loo qorsheeyey dadkaasi jidka kusoo dawaynaya.

Dhakhaatiir ay shabakada Ramaasnews khadka telefoonka kula xidhiidhay oo ku sugan goobaha lagu dawaynayo dadka uu soo ritey xanuunka Shuban Biyoodku ayaa waxay noo xaqiijiyeen in xaaladda Burco adag tahay wakhti xaadirkan ayna ilaa xalay isa soo tarayeen dadka uu soo ridanayo xanuunku,balse waxay noo sheegeen in ay heegan ugu jiraan sidii ay uga guulaysan lahaayeen xanuunkan inuu fido,waxaana ay sidoo kale noo xaqiijiyeen dhakhaatiirtaasi in aanay ilaa hadda jirin cid u dhimatay xanuunka Shuban Biyoodka ka dilaacay Burco.

Gabagabadiina Xaaladda magaalada Burco ayaa wakhti xaadirkan waxay ku jirtaa xaaladd deg deg ah,bulshada Burco-na waxa wahel la noqday cabsida ay ka qabaan fiditaanka xanuunka Shuban Biyoodka,waxaana isa soo taraya dadka uu soo ridanayo xanuunka Shuban Biyoodku.

COMMENTS
Latest News