Saxilnews.com
WARAABE DAD QAADA OO SHAN RUUX KU CUNAY DEEGAAMO HOOS YIMAADA CAYNABA IYO KUWO KALOO UU DHAAWACAY
August 22, 2018 - Written by editor

Caynaba(saxilnews.com)-Allaah Haw U Naxariistee Shan qof ayaa dhintay ka dib markii deegaano u dhaw Magaaladda Caynaba uu ku cunay Waraabe, halka laba kalena dhaawacyo ka soo gaadhay loogula Caray Cusbitaalo ku yaala Magaaladda Burco.

Laba ka mid ah dadkan uu cunay Waraabuhu ayaa waxa uu habeen hore fiidkii ku cunay Miyiga Magaaladda Caynaba.

Dadka uu ilaa iminka dhaawaca iyo dhimashada soo gaadhsiiyay Waraabahaasi ayaa ah dad waaweyn, waxaana ay bilaabeen in ay iska caabin kala hor tagaan weerarka aan kala joogsi lahayn ee uu ku soo qaaday Habar Dugaagan loo badinayo in uu yahay Waraabe, in kasta oo ay dadku shaki ka muujinayaan in uu yahay waraabe iyo in kale.

Cabsi xoog leh ayaa soo food saartay Dadka Deegaanka, waxaanay qaarkood Hadhwanaangnews u sheegeen in weerarkani uu yahay mid aan kala joogsi lahayn oo hadh iyo habeenba uu ku hayo Waraabahaasi

COMMENTS
Latest News