Saxilnews.com
WAR-SAXAAFADEED Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu maanta wareegto madaxweyne oo summadiisu tahay JSL/XM/WM/222-22/012018, uu ku magacaabay Afar Agaasime.
January 13, 2018 - Written by cali abdilaahi

Hargaysa-(Saxilnews.com)-WAR-SAXAAFADEED

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu maanta wareegto madaxweyne oo summadiisu tahay JSL/XM/WM/222-22/012018, uu ku magacaabay Afar Agaasime.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu sidan:-     

Wareegto Madaxweyne

Magacaabid

Markaan Arkay:               Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad; Xarafka (kh);

 

Markaan Arkay:                   Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;

 

Markaan ku Qancay:          In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;

 

Markaan Sameeyey:         La-tashi Ballaadhan;

 

Waxaan Go’aamiyey:

In laga bilaabo taariikhda maanta aan xilalkan u magacaabo masuuliyiinta magacyadoodu hoos ku xusan yihiin:

Tir Magaca Xilka
1. Aadan Cabdillaahi Cabdulle Nuur Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta
2. Prof. Maxamed Faarax Xareed Qodax Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska
3. Axmed Abokor Maxamed Yuusuf Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Maal-gashiga
4. Xamda Daahir Afqarshe Ismaaciil Agaasimaha Maamulka iyo Lacagta ee Guddida (Komishanka) Qaranka ee Xakamaynta HIV/AID

                   [

 

ALLAA MAHAD LEH

 

Muuse Biixi Cabdi

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland

COMMENTS
Latest News