Saxilnews.com
War Hadda Soo Dhacay:Taliyihii Ciidanka Garoonka Diyaaradaha Ee Magaalada Boosaso Oo La Dilay
December 7, 2015 - Written by admin

Bossaasso (SAXILNEWS.COM)_Taliyihii ciidanka garoonka diyaaradaha ee Boosaaso ayaa  lagu dilay guddaha garoonka Bossaasso.

Taliyaha oo lagu magacaabi jiray Xasan Shirre ayaa dad goob joogayaal ah ay sheegeen in dilkiisa uu ka dambeeyay askari ka tirsan ciidanka ilaallada garoonka diyaaradaha.

Ciidamada amaanka Magaalada Boosasao ayaa wada baadhitaano xoogan ay ku baadi goobayaan askariga maanta dilka u geestay Taliyihii amaanka Garoonka Diyaaradaha Boosaaso, waxaana gabi ahaan la xidhay Koontaroolada Magaalada Boosasao si uusan u baxsan askariga dilka geestay.

Col. Xasan Shire Amaan, ayaa noqday Taliyihii Ciidamada amaanka Garoonka Diyaaradaha Boosaaso sanadkii 2003-dii, waxa uuna xilkaasi hayay mudo ka badan 12-sanadood, waxa uuna ahaa sarkaal muhiim u ahaa Ciidamada maamulka Puntiland.

Ma cadda sababta ka dambeysa dilka taliyaha.

Garoonka Boosaaso ayaa waxaa ka socda howl dhismo dayactir ah, oo lagu balaadhinayo garoonka.

Dhinaca dawladda ma jirto mas’uuliyiin ka hadashay falkaasi.

 

COMMENTS
Latest News