Saxilnews.com
War Hadda Soo Dhacay:Dabley Hubeysan Oo Xabbado Oodda Kaga Qaaday Badhasaabka Dalka Yemen Iyo Badhasaabka Oo Geeriyooday
December 6, 2015 - Written by admin

Yemen (SAXILNEWS.COM)_Sida lagu daabacay wakaalada wararka ee dalka Yemen SABA news agency ayaa baahisey in la dilay Badhasaabkii dalka Yemen Port City Major-General Maxammed Saad iyo lix ka mid ah ilaalaladiisa.

Major General Jafar Mohammed Saad was recently appointed as governor of Aden [Al Jazeera]

 

Koox hubeysan ayaa xabbado oodda kaga qaaday gaadhiga uu watay badhasaabku xaafadda Tawaaxi ee dalka Yemen.

Wakaaladda wararka ee dalka Yemen SABA NEWS AGENCY ayaa xaqiisey in lagu dilay weerar saaka aroortii hore.

General Saad ayaa lagu tilmaamay inuu ahaa nin ku dhow oo xidhiidh fiican la leh madaxweynaha dalka Yemen Abedrabbo Mansour Hadi,

Ma jirto illaa hadda cid sheegatay weerarkan.

Hisham al-Omeisy, nin ka faallooda siyaasadda (a Yemeni political analyst), ayaa sheegay dilka General Saad ay daba socotay dilal is-xig-xiga oo bilihii u danbeeyey ka dhacay dalka Yemen.

 

COMMENTS
Latest News