Saxilnews.com
War Hadda Soo Dhacay: Qarax Khasaaro Geystey Oo Goor Dhawayd Ka Dhacay Muqdisho
December 6, 2015 - Written by admin

Muqdisho (SAXILNEWS.COM)_Wararka ka imanaya caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa sheegaya in Goor dhaway qarax nooca Miinada dhulka lagu aaso ah oo  ka dhacay Laamiga Warshadaha gaar ahaan agagaraka Jaamacada SIMAD ee Magaalada Muqdisho.

Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in qaraxu ahaa miinada dhulka lagu aaso, waxaana qaraxa lala beegsaday gaadhi uu watay sarkaal katirsan Ciidamada Nabad galyada Wadooyinka oo goobtaasi yaalay.

Ugu yaraan 2 Ruux ayaa ku dhintay, 3 kalena dhaawac ayaa soo gaadhay kadib markii Gaadhi ay leeyihiin Ciidamada Dowladda Soomaaliya lagu qarxiyay Degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir.

waxaana qaraxa lala beegsaday gaadhi uu watay sarkaal katirsan Ciidamada Nabad galyada Wadooyinka Taraafikada oo goobtaasi yaalay.

Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda oo durbaba goobta soo gaadhay, ayaa xidhay halka uu qaraxa ka dhacay waxaana ay bilabeen howlgallo lagu xaqiijinayo amaanka.

Illaa hadda ma jirto cid sheegatay falkaasi,mana jirto illaa hadda cid loo soo qabtay,dhinaca mas’uuliyiinta xubnaha dawladdu kamay hadlin.

 

COMMENTS
Latest News