Saxilnews.com
War degdega:Dad Soo Dhaweynayey Wefdi Uu Hoggaaminayey Ex-Wasiir Xirsi iyo Gaadhi Kula Qallibmey Duleedka Burco+Dhimasho Iyo Dhaawac Ka Dhashay Goobta
November 26, 2015 - Written by admin
Burco (SAXILNEWS)_Wararka ka imanaya magaalada Burco ee gobolka Tog-dheer ayaa waxay sheegayaan in gaadhi nooca NOHA-da ah uu ku qallibmey duleedka magaalada Burco,gaar ahaan kaantaroolka galbeedka Burco,gawaadhi badan oo soo dhaweynayey is-bahaysiga  mucaaradka ah ee KULMIYE.
Inta la ogyahay hal qof ayaa ku dhintay,halka lix qof oo  kalena uu soo gaadhay dhaawacyo kala duwan.
Dadka rayidka ah ayaa laga soo ururiyey xaafadaha magaalada Burco
Gawaadhidan ayaa soo dhaweynayey is-bahaysiga mucaaradka ah ee KULMIYE, kuwaasi oo ku sii jeeday magaalada Burco ee gobolka Tog-Dheer.
Dhinaca kale Waxaa goobtii soo gaadhay wefdigii uu hor-kacayey Ex-Wasiir Xirsi Cali Xaaji Xasan, waxaana ku wehelinayey, Ex-Wasiir Cabdi Aw-Daahir, xillibaanno kala ah Xil.Waabeeyo,Xil.Farxaan Maxamed Cali iyo xubno kale oo ka mid ah is-bahaysiga mucaaradka ah ee KULMIYE.
Wali ma cadda khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay shilkaasi, waxaana laga dhursugayaa in goor dhow tafaasiil dheeraada laga helo.

SAXILNEWS005@GMAIL.COM

COMMENTS
Latest News