Saxilnews.com
WAR DEGDEGA: XUKUUMADDA OO XABSIGA DHIGTAY QAAR KAMIDA GAADIIDKII IYO TAAGEERAYAASHII SOO DHAWAYNAYAY XILDHIBAAN KIJAANDHE
November 30, 2015 - Written by admin

Hargeysa (SAXILNEWS.COM)_Xukuumadda Somaliland ayaa goordhawayd xabsiga u taxaabtay qaar kamida taageerayaashii iyo gaadiidkii lagu soo dhawaynayay musharaxii madaxwayne ee xisbiga kulmiye xildhibaan axmed cabdi nuur kijaandhe

breaking newswaxa ilaa hadda saldhiga iftin ku xidhan gaadiidkii lagu xidhay mikirifoonadii iyo sameecadihii lagu soo dhawaynayay xildhibaan kijaandhe iyadoo sidoo kale boolisku ku daba jiraan qaar kamida dadwaynaha gaadiidkooda ku xardhay sawiradda soo dhawaynta xildhibaan kijaandhe

waxaana xuisid mudan in talaabadani tahay mid lagu kicinayo dadwaynaha iyo taageerayaasha xildhibaan kijaandhe oo maalmihii u dambeeyay si wayn iskugu soo abaabulayay soo dhawaynta xildhibaanka

dhanka kale ciidamadda rru-da ayay lagu wareejiyay qaar kamida xaafadaha degmadda axmed dhagax arintan oo dareen culus ku beertay dadwaynihii isku abaabulayay soo dhawaynta xildhibaamn kijaandhe waxaana laga cabsi qabaa in ciidanka booliska iyo dadwaynaha soo dhawaynta musharaxa nmadaxwaynuhu iskaga horyimaadaan

isku soo wada duuboo soo dhawayntii isbahaysiga ee burco ayaan wax ciidan ah loo adeegsan dadwaynihii soo dhawaynayay waxaana dareen culus ka dhashay sababta keentay in mudane xildhibaan ah islamarkaana musharax madaxwayne oo la boobay ah loogu adeegsanayo taageerayaashiisa ciidamadda RRU-da

 

 

SAXILNEWS005@GMAIL.COM

COMMENTS
Latest News