Saxilnews.com
War degdega : madaxweyne axmed maxamed maxamud ayaa wuxuu digreeto madaxweyne iskubadalay Wakaaladda Horumarinta Waddooyinka oo hoos iman jirtay Wasaaradda Madaxtooyada lagu wareejiyo Wasaaradda Hawlaha Guud
November 8, 2015 - Written by admin

Hargeisa (SAXILNEWS)_ madaxweyne axmed maxamed maxamud ayaa wuxuu digreeto madaxweyne iskubadalay Wakaaladda Horumarinta Waddooyinka oo hoos iman jirtay Wasaaradda Madaxtooyada lagu wareejiyo Wasaaradda Hawlaha Guud

 

 

 

Taariikh: – 08/11/2015

WAR-SAXAAFADEED

 

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu xeer madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/XERM/249-3673/112015 ku wareejiyey Wakaaladda Horumarinta Waddooyinka ooh ore u hoos Iman jirtay Madaxtooyada.

 

Madaxweynuhu:-

 

Markuu Arkay:     Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Arkay:                 Faqradda 2aad ee Xeer Madaxweyne Lr. 0273/102012 ee ku taariikhaysan 01/10/2012, oo Wakaaladda Horumarinta Waddooyinka lagu hoos geeyey Wasaaradda Madaxtooyada;

Markuu Tixgeliyey:        Ahmiyadda weyn ee Horumarinta Waddooyinku ugu fadhiyaan koboca dhaqaalaha Dalka;

Markuu Tixgeliyey:        Talada Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada iyo cidda ay khusayso;

Markuu Dersay:                Baahida loo qabo in Wakaaladda Horumarinta Waddooyinka oo hoos iman jirtay Wasaaradda Madaxtooyada la hoos geeyo Wasaaradda Hawlaha Guud, Guriyeynta iyo Gaadiidka maadaama Xeerka Horumarinta Waddooyinka loo gudbiyey Baarlamaanka isla markaana wax badan ka qabsoomeen horumarinta waddooyinka;

Markuu Garawsaday:     Inay tahay xilli ku habboon in loo wareejiyo Wakaaladda Horumarinta Waddooyinka, Wasaaradda Hawlaha Guud, Guriyeynta iyo Gaadiidka;

 

 

Wuxuu Soo Saaray;

 

In laga bilaabo taariikhda Xeerkan, ay Wakaaladda Horumarinta Waddooyinka oo hoos iman jirtay Wasaaradda Madaxtooyada lagu wareejiyo Wasaaradda Hawlaha Guud, Guriyeynta iyo Gaadiidka ee Jamhuuriyadda Somaliland.

 

ALLAA MAHAD LEH


Xuseen Aadan Cige (Xuseen Deyr)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

COMMENTS
Latest News