Saxilnews.com
WAR DEGDEGA :Daacish Oo Soo Bandhigtay Waxyaabihii Ay Ku Qarxisey Diyaaraddii Ruushka
November 19, 2015 - Written by admin

Siiriya (SAXILNEWS_Kooxda Daacish ayaa markii ugu horeesay waxa ay shaacisay bambaanadii lagu qarxiyo diyaaradii laga lahaa Dalka Ruushka 31kii bishii tagtay ee Oktoober, ee ku soo dhacday gobalka Siinaay ee dalka Masar.

Daacish ayaa soo bandhigtay gasacad yar oo waxyaabaha qarxa lagu xidhay taa oo la saaray diyaaradii ka duushay Magaalada Sharma Sheekh kuna sii jeeday Dalka Ruushka, waxa ayna kooxdu sheegtay in arintooda u sahashay Nidaam xumada ka jirta Garoonka Diyaaradaha Sharma Sheikh.

 Diyaaradii Ruushka laga lahaa ee ku dhacday Dalka Masar waxaa saarnaa dad gaadhayay 224-qof kuwaa oo dhamaantod geeriyooday, waxaana masuuliyada qaraxaasi lagu bur buriyay diyaarada hore u sheegtay Kooxda Daacish.





– See more at:

COMMENTS
Latest News