Saxilnews.com
WAR DEG DEGA:Afar Caruur Oo Walaalo Ah Oo U Geeriyooday Sun La Mariyay Jidhkooda, Magaalada Muqdisho
November 19, 2015 - Written by admin

Muqdisho_(SAXILNEWS)_Wararka ka imanaya Xaafadda Carafaat eecdegmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho ayaa waxay sheegayaan in halkaasi ay ku geeriyoodeen Afar caruur oo walaalo ah, ka dib sun la mariyay jirkooda. Mid ka mid ah waalidiinta dhalay caruurtaan ayaa la xaqiijiyay in suntan loo yaqaano Dhibta ee la mariyo xoolaha uu caruurtaasi oo shan ahayd u mariyay, balse saaka lasoo toosay Afar caruur ah oo geeriyootay, halka midka kalena xaaladiisu ay aad u daran tahay, loolana carary Isbitaalka. Caruurtaan ayaa la sheegay in maalmahani dambe jirkooda uu kasoo baxay Nabarro, kuwaasi oo la sheegay in ay lahaayeen cun cun, balse waalidkii dhalay caruurta u arkeen in lagu daweyn karo suntaasi oo jidhka loo mariyo caruurtooda.

 

 

SAXILNEWS005@GMAIL.COM

COMMENTS
Latest News